Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

QM iyo Turkiga oo cambaareeyey weerarkii argagixisanimo ee ka dhacay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
QM iyo Turkiga oo cambaareeyey weerarkii argagixisanimo ee ka dhacay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutters ayaa lagu dhaleeceeyey weerarkii argagixisadu ay ku laayeen dad shacab ah,kaasi oo ka dhacay goobo ganacsi oo shacab ah ay lahaayeen.

 

Related posts

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS oo soo dhaweeyey wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Turkiga

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS oo soo dhaweeyey wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Turkiga

January 27, 2026
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

January 26, 2026

Wuxuu uga tacsiyadeeyey dowladda Soomaaliya iyo ehelada dadkii ku dhintay weerarkaasi,isagoo kuwa dhaawacmayna u rajeeyey in ay bogsoodaan,wuxuuna muujiyay sida Qaramada Midoobay ay uga xuntahay falalkasi foosha xun.

Afhayeen u hadlay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya oo lagu magacaabo Stéphane Dujarric ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin dowladad Soomaaliya iyo shacabkeeda,islamarkaana aanay nabadda Soomaaliya iyo horumarkeeda waxba u dhimi doonin dhacdooyinka oo kale.

Dhanka kale Dowladda Turkiga ayaa si kulul u cambaareeysay weerarkaasi oo lagu waxyeeleeyey shacab aan waxba galabsan,waxaana qoraal wasaaradda Arrimaha dibadda ee dowladda Turkigu ay soo saartay loogu tacsiyadeeyey dowladda Soomaaliya iyo ehelada dadkii ku waxyeeloobay falkaasi.

Dowladda Turkiga oo kamid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya ayaa muujisay sida ay markasta u garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya,sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi.

Sidoo kale dowladda Kenya ayaa uga tacsiyadeysay dowladda Soomaaliya dadkii waxyeeladu ay ka soo gaartay weerarkii ka dhacay Muqdisho,waxaana ay u rajeeyeen dadkii dhaawacyada soo gaaray in ay helana caafimaad deg deg ah.

Previous Post

In ka badan 20 ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn xagga cirka ah

Next Post

US strike kills 26 Shabaab fighters in Somalia

Next Post
Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

US strike kills 26 Shabaab fighters in Somalia

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS oo soo dhaweeyey wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Turkiga

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS oo soo dhaweeyey wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Turkiga

January 27, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Dhucle ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magalaada...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

January 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad eeXukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane JibrilCabdirashiid Xaaji ayaa si rasmi ah u daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

January 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee...

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

January 26, 2026
0

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), oo kaashaneysa Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Muhaajiriinta iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In