Sunday, April 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo saaka booqday dhaawacyada yaalla Isbitaalka Madiina+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo saaka booqday dhaawacyada yaalla Isbitaalka Madiina+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka booqday Isbitaalka Madiina si uu ugu kuurgalo xaaladda caafimaad ee dadkii ku dhaawacmay weerarradii waxashnimada ahaa ee ay argagaxisadu ka fulisay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu gaaray Isbitaalka waxa uu warbixin faahfaahsan ka dhegaystay Agaasimaha Isbitaalka Dr. Maxamed Yuusuf  oo uga warramay xaaladda caafimaad ee ay ku sugan yihiin dadkii qaraxa ku waxyeeloobay.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray magaalada Baydhaba

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray magaalada Baydhaba

April 26, 2026
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo booqday fariisimaha hore ee gobolka Bakool

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo booqday fariisimaha hore ee gobolka Bakool

April 26, 2026

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Isbitaalka waxa uu mid mid u dul istaagay bukaannada iyo dhawaacayada lagu daawaynayo Isbitaalka Madiina, isaga oo arkay xaaladdooda caafimaad.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey dhakhaatiirtii uu kula kulmay Isbitaalka Madiina shaqada wanaagsan ee ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan, isagoona kula dardaarmay in ay sii dardargeliyaan daryeelka caafimaad ee ay u fidiyaan bukaannada qaba dhaawacyada kala duwan.

 Dhammaad

Previous Post

IGAD oo cambaareeysay weerarkii argagixiso ee khamiistii ka dhacay Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray magaalada Baydhaba

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray magaalada Baydhaba

April 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi isugu jira wasiiro...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo booqday fariisimaha hore ee gobolka Bakool

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo booqday fariisimaha hore ee gobolka Bakool

April 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL):-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa booqday fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka ay ku leeyihiin...

Wasaaradda Hawlaha Guud oo wadda dadaallo guriyayn loogu samaynayo dadka danyarta ah iyo barakacayaasha

Wasaaradda Hawlaha Guud oo wadda dadaallo guriyayn loogu samaynayo dadka danyarta ah iyo barakacayaasha

April 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO(KENYA):-Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta ee Soomaaliya ayaa kulan ku qabatay Safaaradda Soomaaliya ee Kenya, kaas oo ay la...

Ehelada dhalinyaro ku geeriyooday badda u dhexaysa Algeria iyo Spain oo la baadi-goobayo

Ehelada dhalinyaro ku geeriyooday badda u dhexaysa Algeria iyo Spain oo la baadi-goobayo

April 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa sheegay in 17 dhallinyaro Soomaaliyeed ay ku geeriyoodeen badda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In