Wednesday, August 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo“Argagaxisada Way daciifeen Tabar ma lahan”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 5, 2019
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo bogaadiyay hay’adihii kaalinta ka gaystay u gargaarida dadkii ku waxyeeloobay Qarixii Khamiista.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa sheegay in awooda Argagaxisada Al shabaab ay daciiftay isla markaana aysan dagaal kala hor imaan Karin Ciidanka Xoogga Dalka, iyagoo Qaraxyo u adeegsanaya Wiilal ay maskaxda ka xadeen

“Way daciifeen Tabar badan ma lahan, waxaaa ka soo haray kaliya is qarxis meel ciidankeena geesiyiinta ay iskaga hortageen oo ay iska difaaceen malahan, meeshay ciidankeena ku arkaan way ka cararaan iyadoo laga yaabo in ciidankeena aysan heysan qalab ka fiican, waxaa usoo haray inay Baabuurta wax kusoo dhex qariyaan Wiilal ay maskaxda kasoo xadaan dhahaan Janaad galeysaa is dil”.ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Related posts

Wasiirka Amniga oo guddoomiyay kulan wada shaqeyn ah ee Hay’adaha HSJ iyo NIRA

Wasiirka Amniga oo guddoomiyay kulan wada shaqeyn ah ee Hay’adaha HSJ iyo NIRA

August 6, 2025
Magaalada Bariire oo lagu dilay ku dhawaad 70 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta

Magaalada Bariire oo lagu dilay ku dhawaad 70 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta

August 6, 2025

Shacabka Soomaaliyed ayuu Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inay la shaqeeyaan Ciidamada Amaanka maadaama dal kasta oo amniga ka hormaray ay shacabkiisa sabab u yihiin.

“Ciidanka kaligood waxba ka maqan karaan Howl wadareed waaye dagaalkan, hadaan laga wada shaqeyn amniga dhalinyaradaas kaligood waxba ma qaban karaan, ciidanka marka wax loo soo sheego ayay wax qabtaan laakiin Magalooyinka Caalamka waxay ku hormariyeen amnigooda Shacabka oo Ciidamada la shaqeeyay”.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dagaalka lagu ciribtirayo cadwoga uu u baahan yahay Geesinimo iyo qof kasta inuu Waajib iska saaro ka hortaga cadowga umadda xasuuqaya.

“Dagaalka Al shabaab wuxuu u baahan yahay Geesinimo sida Ciidankeena Geesiyiin u yihiin waa in Shacabkana ay geesiyo noqdaan, waa bini’aadan haday diyaar u yihiin inay dhintaan anaguna waa inaan ogolaanno inaanu dhimano, annagu hadaan dhimano waan shahiidnay maxaa yeelay waxaan u dhimaneynaa wax xaq ah”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaka Soomaaliya ayaa hadalkan ka jeediyay kullan uu xalay a qaatay hawl wadeennada caafimaadka, hay’adaha Amniga iyo kuwa gurmadka degdega ah, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiin kale oo ay ku jiraan Wasiirro.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Magaalada Addis Ababa

Next Post

Wasiirka Waxbarashada XFS oo la kulmay Wasiirada Waxbarashada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeele.

Next Post
Wasiirka Waxbarashada XFS oo la kulmay Wasiirada Waxbarashada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeele.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo la kulmay Wasiirada Waxbarashada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeele.

Wasiirka Amniga oo guddoomiyay kulan wada shaqeyn ah ee Hay’adaha HSJ iyo NIRA

Wasiirka Amniga oo guddoomiyay kulan wada shaqeyn ah ee Hay’adaha HSJ iyo NIRA

August 6, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey wada shaqeynta iyo sare u qaadista sumcadda...

Magaalada Bariire oo lagu dilay ku dhawaad 70 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta

Magaalada Bariire oo lagu dilay ku dhawaad 70 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta

August 6, 2025
0

Maalmihii la soo dhaafay waxay dagaallo adag ka socdeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose, waxayna Ciidanka Xoogga Dalka iyo...

Shirka arrimaha bani’aadannimada Soomaaliya oo laga furay magaalada Baydhabo

Shirka arrimaha bani’aadannimada Soomaaliya oo laga furay magaalada Baydhabo

August 6, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ahna Ku-simaha Madaxweynaha, Mudane Cali Saciid Fiqi, ayaa magaalada Baydhabo oo ah xarunta...

Garaad Jaamac oo ka hadlay doorka haweenka ee dhismaha Maamulka Waqooyi Bari  

Garaad Jaamac oo ka hadlay doorka haweenka ee dhismaha Maamulka Waqooyi Bari  

August 6, 2025
0

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa sheegay in halgankii ay dadka deegaanku galeen ay haweenku ka qaateen door muuqda oo muhiim...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In