Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kulan Xog-waraysi Ah La Yeeshay Dhalinyarada Kismaayo

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kulan Xog-waraysi Ah La Yeeshay Dhalinyarada Kismaayo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Kismaayo kulan xog-waysi ah kula yeeshay dhallinyarada ku nool magaalada.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo dhallinyarada u sheegay in hoggaanka dalku uu muhiimmad gaar ah siinayo arrimaha dhallinyarada ayaa uga jawaabay su’aalo ay ka waydiiyeen xiriirka dawladda dhexe iyo dawlad gobaleedyada, qorshaha amniga, waxbarashada, caafimaadka, doorashooyinka, Shaqo abuurka dhallinyarada, Kobcinta dhaqaalaha, maal-gashiga, iyo barnaamijka Cafinta daynta lagu leeyahay dalka.

Dhammaan mas’uuliyiinta dawladda federaalka iyo dawlad gobaleedyada ayuu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu in laga doonayo wada shaqayn buuxda ayna mas’uuliyadi ka saarantahay u adeegidda bulshada Soomaaliyeed meel waliba oo ay joogaan, isaga oo intaa raaciyay in ummadda Soomaaliyeed kula xisaabtamayaan inta ay xilka hayaan waxa ay dhisaan iyo waxa ay qaldaan.

Related posts

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

January 21, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD

January 21, 2026

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in Sugidda amniga ay ku xirantahay hagaajinta dhaqaalaha, siyaasadda, arrimaha bulshada, isaga oo intaa raaciyay in shaqo la’aanta dhalinyarada, musuqa, qabyaaladda, nin jeclaysiga ay qayb ka qaadanayaan amni darrada, loona baahanyahay in laga wada shaqeeyo hannaankii wax looga qaban lahaa.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa dhallinyarada uu kulanka la yeeshay u sheegay in dawladdu ay dib-u-habayn ballaaran ku wado dhaqaalaha, ciidanka qaranka, siyaasadda iyo horuamrinta arrimaha bulshada si loogu guulayso himilada ummadda Soomaaliyeed, loona jeexo waddadii horumarka dalka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhallinyarada u cadeeyay in hagaajinta mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed ay ku xirantahay sida waxbarasho tayo leh dalka looga hir-geliyo, arrintaasna ay dawladdu dadaal badan gelinayso.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo maanta khudbad ka jeedinaya xiritaanka shir madaxeedka Afrika

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo maanta khudbad ka jeedinaya xiritaanka shir madaxeedka Afrika

Madaxweyne Farmaajo oo maanta khudbad ka jeedinaya xiritaanka shir madaxeedka Afrika

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

January 21, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaliya, Mudane Jamal Maxamed Xasan ayaa maanta kulan la yeeshay xubno ka tirsan...

Somalia Ratifies the IGAD Treaty

Somalia Ratifies the IGAD Treaty

January 21, 2026
0

The Federal Republic of Somalia is pleased to announce the ratification of the new Intergovernmental Authority on Development (IGAD) Treaty,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD

January 21, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah u ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD, iyadoo noqotay dowladdii shanaad ee ansixisa, taas oo...

Iskaashiga Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo sii xoogaysanaya

Somalia Thanks China for Continued Support and Strong Bilateral Cooperation

January 21, 2026
0

The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, led by H.E. Abdisalam Ali ,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In