Wednesday, August 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Xoogga dalka oo kaabiga ku haya Degmada Jammaame

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ku dilay lix ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa Xoogga Dalka ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.

 

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay kulan loogu duceynayay Marxuum Axmed Cali Cigaal

Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay kulan loogu duceynayay Marxuum Axmed Cali Cigaal

August 4, 2026
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Danjiraha Dowladda Indonesia

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Danjiraha Dowladda Indonesia

August 4, 2026

Howl-galladan oo ahaa kuwa Qorsheysan ayaa waxay ka dhaceen meel 10 KM u jirta degmada Jamaame, iyagoo ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland oo is garabsanaya ay jiinka wabiga ka galeen deegaanka Yiirey oo aan sidaa uga fogeyn degmada Jamaame.

Tira ka mid ah Maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab ayaa howlgalka lagu khaarajiyay, waxaana nolasha lagu hayaa oo maxaabiis ahaan loo soo qabtay tira iyaga ka mid ah.

Sida ay sheegeen Sarakisha Ciidamada Jubbaland 5 Qof oo saddex ka mid ah ay ahaayeen horjoogayaal sar sare ayaa lagu diley howlgalka.

Horjoogayaasha Shabaab ee la qabtay ayaa lagu kala magacaabaa Cali Waraabe, Tima Jilic iyo Galley kuwaas oo Maleeshiyaadka u qaabilsanaa dhibaateynta dadka deegaanka.

Argagixisada Al-Shabaab ayaa la gaarsiiyay khasaaro xooggan, iyagooo degmada Jamaame ka soo direy 3 Gaari iyo ciidankooda balse Ciidmada Mareykanka oo howl galka qayb ka ahaa ayaa gabi ahaanba duqeeyay 3-dii Gaari iyo dhammaan ciidankii saarna, halkaas waxaa ku basbeelay tiro xoog leh oo ka mid ah Argagixisada Al-Shabaab.

Weli waxaa ka socda deegaannada hoos yimaada Degmada Jamaame gaar ahaan kuwa saaran jiinka Webiga howl-gallada lagu baacsanayo haraadiga Al-Shabaab, iyagoo ay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ay kaabiga ku hayaan degmada Jamaame.

 

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaaare Khayre Oo Guddoomiyay Shir Ay Yeesheen Wasiirrada Socdaalka Ku Wehliya iyo Iyo Wasiirrada Jubaland “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Barnamijka Dhacdooyinka Maanta Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay kulan loogu duceynayay Marxuum Axmed Cali Cigaal

Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay kulan loogu duceynayay Marxuum Axmed Cali Cigaal

August 4, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa ka qayb galay kulan duco iyo...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Danjiraha Dowladda Indonesia

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Danjiraha Dowladda Indonesia

August 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo Safiirka Shiinaha oo heshiis kala saxiixday

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo Safiirka Shiinaha oo heshiis kala saxiixday

August 4, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang...

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO TABABAR U SOO XIRAY CIIDAMO KA TIRSAN DANAB

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO TABABAR U SOO XIRAY CIIDAMO KA TIRSAN DANAB

August 4, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo uu wehliyo Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In