Monday, February 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho kusoo dhaweeyey Dhiggiisa Jabuuti

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho kusoo dhaweeyey Dhiggiisa Jabuuti
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle  iyo Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa soo gaaray Muqdisho, waxaana garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo.

 

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026

Wefdiga Madaxweyne Geelle ayaa waxaa kamid ah Wasiirro, Xildhibaano iyo Fanaaniin, waxaana Qorshuhu uu yahay in Madaxweynaha Jabuuti uu furay Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya oo ku taala Degmada C/casiis ee gobolka Banaadir.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/qaadir Axmed Kheyr ayaa sheegay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi la socda Madaxweynaha ay dhankooda kulamo la qaadan doonaan madaxda Dalka, kaasi oo looga hadli doono xiriirka iyo Iskaashiga labada dal iyo sidii loo adkeyn lahaa.

Sidoo kale Waxaa jiray wufuud horu-dhac u aheyd  oo Madaxweynaha Jabuuti uga soo horeeyey Muqdisho, waxaana marka laga tago wasiirada la socda Wefdiga kamid ah fanaaniin Soomaaliyeed oo ay kamid yihiin Xasan Aadan Samatar iyo Axmed Cali Cigaal.

Previous Post

TOOS U DAAWO:- Soo dhowaynta Madaxweynaha Jabuuti

Next Post

Arxanlaawe qiil ma leh (Warbixin)

Next Post
Arxanlaawe qiil ma leh (Warbixin)

Arxanlaawe qiil ma leh (Warbixin)

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka...

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
0

Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan xilalka Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In