Friday, July 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Arxanlaawe qiil ma leh (Warbixin)

admin by admin
March 16, 2019
in Maqaallo
0
Arxanlaawe qiil ma leh (Warbixin)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dhacdo aad ay uga xumaadeen Muslimiinta Caalamka iyo dad kaleba ayaa shalay oo Jimco ah ka dhacay Dalka Newzland, kaasi uu sameeyay nin Cadaan ah oo watay Qori iyo Rasaas badan mar uu weeraray laba masaajid, kuna dilay dad badan kuna dhaawacay kuwa kale, ayaa la sheegay in Ninkii ka dambeeyay weerarkii lagu laayay Muslimiin badan ee ku cibaadeesaneysay labo masjid oo ku yaala New Zealand ayaa Shalay la soo taagay Maxkamad ku taala magaalada Christchurch ee dalka New Zealand .

 

Related posts

Warbixin: Xubinimada EAC waxay Soomaaliya iyo Gobalkaba u horseedi doontaa waa cusub oo Rajo, Xasilooni iyo Barwaaqo

Warbixin: Xubinimada EAC waxay Soomaaliya iyo Gobalkaba u horseedi doontaa waa cusub oo Rajo, Xasilooni iyo Barwaaqo

November 13, 2023
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Muqdisho kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Muqdisho kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya

December 29, 2022

Ninkasi Fashistaha ahaa oo lagu magacaabo Brenton Tarrant oo ah 28 ayaa maxkamada la soo taagay isaga oo gacmaha ka xiran, sidoo kale xiran dharka maxaabiista ah, Ninkan ayaana la sheegay in indhaha ku gubayay Saxafiyiinta iyo Dadkii kale ee Maxkamada joogay.

Garsooraha Maxkamada oo Ninkan ku soo eedeeyay dambiyo dil ah ayaa amray in xabsiga lagu sii hayo ilaa 5-ta Bisha April xiligaasi oo loo gudbin doono Maxkamada sare si dacwadiisa loo qaado.

Ninkan Maxkamada la soo taagay ayaa ka dambeeyay weerarkii shalay ka dhacay labo Masjid oo ku yaala dalka New Zealand , waxaana weerarkan ku dhintay 49-qof oo salaada Jimcaha sugayay inay dukadaan halka dad kale oo 30 ruuxna ku dhaawacmeen, kuwaasi oo haatan la dabiibayo Isbitaalada ku yaalla Dalkaasi.

Babaanbaxyo loogu soo horjeedo Toogashadii aan loo meel dayin ayaa ka dhacay meelo ka mid ah Caalamka, waxaase ugu xooggaanaa kuwa la isgu soo baxay Minneapolis ee Cariga Marakanka iyo Toronto ee wadanka Canada, haddaan soo qaado midka dhacay Magaalada Toronto ayaa wararku sheegayaan in auy waddooyinka u soo baxeen Dad badan kuwaasi oo watay boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo ay ka mid yihiin:- “ma ‘ ahan in aan ka baqano dadka dhibanayaasha, iyo magaca loo yaqaan, iyo in ay ku magac yihiin meelaha cibaadada ee dadka lagu beegsaday… marnaba nama cabsigalin karaan kuwa nacaybkan.”.

Masjidka Sayid Abuubakar ayaa lagu qabtay mid looga soo horjeedo Xasuuqii uu getystay Ninkaasi Cadaanka ah, waxaana aad loogu cambaareeyay Dilkaasi Foosha Xun, waxaana goobtaasi ka hadlay Culiumaaudiin iyo Kuwa qaabilsan Ammaan baxay Minneapolis, waxayna sheegeen inuu falkaasi ahaa mid Argagaxisnimo, islamarkaana aad loo adkeyn doono ammaanka Goobaha Cibaada, sida Masaajidda.

Madaxda Falkaasi foosha Xun ka hadashay waxaa ka mid ah Haweeneyda Raiisul-wasaaraha ka ah Dalka Newzland, Madaxweynayaasha Dalalka Turkiga iyo Maraknaka, waxayna si xun u cambaareeyeen Dilkii loo geystay Dad ku cibaadaynayay Masjidka ku yaalla wadanka Newzland, waxayna ku tilmaameen mid Argagax leh, iyagoo caddeeyay inay si dhow ula shaqeyn doonaan baaroitaanka arrinkaasi, waxaa kaloo arrinkaasi ka hadlay Mudanaha Aqalka Cad Ilhaan Cumar ayaa iyadana falkaasi ka hadashay, waxayna cambaareysay Xasuuqii lagula kacay dad Muslimiin ah.

Dhinaca kalena Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyay weerarka argagaxiso ee bahalnimada leh ee lagu qaaday dad Muslimiin ah oo ku tukanayay Salaadda Jumcaha Masaajidda Al nuur iyo Lindwood ee Magaalada Christchurch ee dalka NewZealand, oo lagu dilay ugu yaraan 49 ruux, laguna dhaawacay dad badan 30 ruux, oo ay ku jireen caruur iyo dad da’ ah, fal dambiyeedkani naxdinta leh waxa uu ka qeyb yahay naceybka, mayal adeegga iyo islaam naceybka.

Soomaaliya waxa ay ma rkale ku celinaysaa oo ay caddeyneysaa inay garab taagan tahay Xukuumadda iyo Shacabka New Zealand, ayna tacsi u direyso qoysaska dhibanayaasha muslimiinta, iyadoo u rajaysay kuwa dhaawaca ah bogsasho iyo caafimaad degdeg ah.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa Xukuumadda New Zealand inay samayso baaritaan guud oo ku qotoma falkani argagaxisada ee naxdinta leh, oo loo arko fal dambiyeed fuleynimo oo xun, una baahan mowqif islaami iyo mid dunida oo dhan oo mideysan oo looga hortago dhammaan howlaha argagaxiso iyo xagjirnimada halista leh.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyey dadkii muslimiinta ah ee ku dhintay weerarkii ka dhacay masaajidyo kuyaal dalka Newzealand, guud ahaan gaar ahaan dadkii Soomaaliyeed ee ku dhintay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyey dadkii halkaasi ku dhintay,isagoo sidoo kale dowladda iyo shacabka Newzealand tacsi u diray,una rajeeyey dadka dhaawacmay caafimaad deg deg ah.

Sidoo akle raiiusl wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka tacsiyadeeyey dadkii muslimiint ahaa ee weerarkaasi ku dhintay,wuxuuna raiisul wasaaraha dalka si gaar ah uga tacsiyadeeyey dadkii Soomaaliyeed ee ku dhintay weerarkaasi.

Waxaa sidoo kale ka hadalay Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa isna ka tacsiyadeeyey dadkii muslimiinta ah ee ku dhintay weerarkii ka dhacay masaajidyo kuyaal dalka Newzealand, guud ahaan dadkii Soomaaliyeed ee ku dhintay.

Guddoomiyaha ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyey dadkii halkaasi ku dhintay,isagoo sidoo kale dowladda iyo shacabka Newzealand tacsi u diray,una rajeeyey dadka dhaawacmay caafimaad deg- deg ah.

Ilaa 49 qof ayaa la sheegay in ay ku geeriyootay oo uu ku jiro Wiil Soomaaliyeed oo 4 sano jir ahaa, tiro kalena ay ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday masaajidyo kuyaala Christchurch ee dalkaasi, tiro kalena way ku dhaawacmeen, waxaana bukaanada lagu dabiibayaa Isbitaalada ku kala yaalla Dalkaasi, waxaana Ilaah uga baryeynaa inuu intii dhimatay Janadiisa ka waraabiyo inta ku dhaawaacanteyna alle u boogo dhayo, sidaasi awgeed Arxan laawe qiil ma leh.

Xigasho: SONNA

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho kusoo dhaweeyey Dhiggiisa Jabuuti

Next Post

Madaxweyne Geelle oo booqasho labo maalmood ah ay uga bilaabatay Soomaaliya.+SAWIRRO

Next Post
Madaxweyne Geelle oo booqasho labo maalmood ah ay uga bilaabatay Soomaaliya.+SAWIRRO

Madaxweyne Geelle oo booqasho labo maalmood ah ay uga bilaabatay Soomaaliya.+SAWIRRO

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 “𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐟-𝐝𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚𝐧.”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 “𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐟-𝐝𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚𝐧.”

July 3, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka...

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda ugu sarreysa hey’adda...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

July 3, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ka qeyb-galay munaasabadda daah-furka ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee deegaanada...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

July 3, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In