Tuesday, October 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirrada Waxbarashada Soomaaliya iyo Kuwait Oo Ka Arrinsaday Diyaar Garowga Shirka Caalamiga Ee Waxbarashada Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirrada Waxbarashada Soomaaliya iyo Kuwait Oo Ka Arrinsaday Diyaar Garowga Shirka Caalamiga Ee Waxbarashada Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka waxbarashada iyo Tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Xildhibaan Abdullahi Goodax Barre, oo ay qayb ka yihiin xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha, xubno ka socda wasaaradaha arrimaha dibadda iyo waxbarashada ayaa caasimadda Kuwait kula kulmay wasiirka Waxbarahada iyo Tacliinta sare ee dalka kuwiet, Hamed Al Azemi

 

Related posts

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025

Kulanka ay yeesheen wasiirrada waxbarashada ee dalalka Soomaaliya iyo Kuwait ayaa lagu falanqeeyay hannaanka uu u qabsoomayo shir caalami ah oo arrimaha waxbarashada Soomaaliya looga hadlayo kaas oo gar-wadeen ay ka tahay dawladda Kuwait.

Wadfiga dawladda Soomaaliya ayaa shirka ka sheegay aragtida Soomaaliya ee ku aadan hannaanka qabanqaabada shirkaas oo muhiim u ah horumarinta waxbarashada dalka oo aasaas u ah hagaajinta mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed.

Wafdiga uu hogaaminayo wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare XFS iyo wafdiga uu hoggaaminayo ee Kuwait ku sugan ayaa maalinta berri kulamo dheeraad ah la qaadanaya guddi ay dawladda Kuwait u magacaawday diyaarinta shirka caalamiga ah ee waxbarashada Soomaaliya oo Kuwait lagu qabanayo dabayaaqada sannadkaan 2019, ayna kasoo qayb gelayaan deeq-bixiyaasha.

Dawladda Soomaaliya oo ay ka go’antahay in bulshada Soomaaliyeed hesho waxbarasho tayo leh, ayaa xoogga saaraysa hannaankii shirkaas ay uga soo baxi lahayd natiijo wanaagsan oo kaabaysa dadaallada loogu jiro horumatinta iyo hagaajinta waxbarashada dalka guud ahaan si dadka Soomaaliyeed ay aduunyada inteeda kale kula tartamaan aqoon iyo cilmi.

—DHAMMAAD—-

Previous Post

Wejigii 1-aad ee dib u dhiska Garoonka Diyaaradaha Jowhar oo la soo geba gebeeyey+sawirro

Next Post

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dalka Suudaan “SAWIIRO”

Next Post
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dalka Suudaan “SAWIIRO”

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dalka Suudaan "SAWIIRO"

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
0

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025
0

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement – NAM) ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda. ‎...

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In