Sunday, November 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shaqaalaha Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada XFS iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo tababar loo soo xiray+sawirro

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Shaqaalaha Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada XFS iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo tababar loo soo xiray+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa marti-gelisay tababar ku saabsan Barnaamij lagu maamulayo hirarka oo loogu talo-galay dalalka soo koraya (Spectrum Management System for Developing Countries – SMS4DC), kaasi oo uu soo qabanqaabiyay Midowga Isgaarsiinta Adduunka (ITU), laguna qabtay magaalada Muqdisho intuu u dhexeysay 14-kii illaa 18kii Maarso 2019.

Axmed Boraud oo ah tababare caalami ah oo ka socday ITU ayaa ugu horreyntii sheegay in ujeeddada tababarkan uu yahay sidii loo dhisi lahaa aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha sidii ay si habsami leh ugu isticmaali lahaayeen barnaamijkan arrimaha maareynta hirarka, isagoo intaasi ku daray in tababarkan uu diiradda saari doono shaqaalaha maamula hirarka noocyada kala duwan.

Related posts

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Oo Baaq Ka Soo Saartay Dilal Iyo Beegsi Ka Dhacay Dalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Oo Baaq Ka Soo Saartay Dilal Iyo Beegsi Ka Dhacay Dalka

November 9, 2025
Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Qaldan Ee Astaamaha Ciidanka XDS

Ciidanka Xoogga Dalka Oo Hawlgal Ku Dilay Horjooge Khawaarijta Ka Tirsan

November 9, 2025

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Md C/casiis Duwane Isaaq, ayaa sheegay in ay tahay fursad taariikhi ah in Machadka Isgaarsiinta Qaranku uu martigeliyo tababar ay soo qabanqaabisay ITU, taas oo ah markii ugu horreysay tan iyo burburkii ka dhacay dalka, isagoo xusay in tallaabadani ay dhabbaha u xaari doonto barnaamijyo kale oo ay ITU ka fuliso dalkeena, laguna qabto Machadka.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Md. Cabdi Sheekh Axmed, ayaa sheegay in tababarkan uu ku soo aaday waqti munaasab ah oo dalkeenu uu si buuxda u ceshtay xubinnimadii Ururka ITU, isla markaana uu yeeshay hay’ad maamusha arrimaha isgaarsiinta oo haatan ku hawlan nidaaminta qeybaha kala duwan.

Maareeyuhu wuxuu intaasi ku daray in tababarkan uu xoogga saaray in xogta ay ururisay Hay’adda Isgaarsiinta loo isticmaalo barnaamijkan, isagoo ku adkeeyay ka-qeybgalayaasha inay dalkooda uga faa’iideeyaan aqoontii ay ka kororsadeen tababarkan.

“Waxaan u mahadcelinayaa ITU, gaar ahaan Xafiis-goboleedka Carabta oo gacan ka geystay sidii barnaamijkan u qabsoomi lahaa. Waxaan rajeyneynaa in ITU ay naga caawin doonto tababarro badan oo noocan oo kale ah si aan u dhisno awoodda farsamo ee shaqaalaheena,” ayuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyay maareeyuhu.

Previous Post

Wasaaardda Kaluumeysiga XFS oo Iskaashatooyin Kalluumeysi ku wareejisay dooman+sawiiro

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Oo Baaq Ka Soo Saartay Dilal Iyo Beegsi Ka Dhacay Dalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Oo Baaq Ka Soo Saartay Dilal Iyo Beegsi Ka Dhacay Dalka

November 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa baaq nabadeed kasoo saartay, Dilalka iyo Beegsiga ka baxsan Diinta Islaamka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Qaldan Ee Astaamaha Ciidanka XDS

Ciidanka Xoogga Dalka Oo Hawlgal Ku Dilay Horjooge Khawaarijta Ka Tirsan

November 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL):-Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hawlgal qorsheysan ay ka fuliyeen gobolka Bakool ku dilay horjooge ka tirsanaa Khawaarijta. Horjoogahan oo...

Wasiirka Warfaafinta  XFS Oo Kulan-Doceed La Qaatay Saraakiil Ka Socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga Ah Ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta XFS Oo Kulan-Doceed La Qaatay Saraakiil Ka Socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga Ah Ee Qaramada Midoobay

November 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO(RIYAD):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudiga,...

Wasiirka Caafimaadka XFS Oo Hortagay Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada Ee Golaha Shacabka

Wasiirka Caafimaadka XFS Oo Hortagay Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada Ee Golaha Shacabka

November 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka, ay hoggaamineysay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi, ayaa kulan su’aalo–weydiin ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In