Monday, March 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo Daahfuray Mashruuca Waxbarashadu Waa Iftiin Wejigiisa 3-aad ”SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo Daahfuray Mashruuca Waxbarashadu Waa Iftiin Wejigiisa 3-aad ”SAWIRRO”

????????????????????????????????????

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa daah-furay masharuuca Wabarashadu Waa Iftiin wejigiisa sadexaad, kaasi oo ay ku baxayso adduun lacageed oo dhan 7.2 Milyan.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 16, 2026
Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026

Daahfurka Masharuucani ayaa waxaa qayb ka ahaa Safiirka Midawga Yurub ee Soomaaliya Mr. Pencho Garndo Ruiz, Wasiirka Wasaaradda Waxbarasha iyo Tacliinta Sare ee Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan, mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare, mas’uuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda Puntland, Hay’addaha shaqo wadaagta la ah Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masiiliyiin kale.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland ayaa ugu horayn ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay sare u qaadidda Waxbarashada deegaannada Puntland, gaar ahaan manhajka iyo tayaynta xarumaha waxbarasho ee dalka, waxaana uu xusay in 982 xarumo waxbarasho ay ku yaaliin Puntland, ayna wax ku bartaan xarumahaasi 210,000 ( laba boqol iyo toban kun oo arday ).

“Runtii maanta waxay ii tahay farxad aad u weyn inaan daah-furno ‘Aqoontu waa Iftiin barnaamijkiisii Saddexaad’ muddadii yarayd ee aan halka fadhiyey xasuus badan bay dib ii gelisey, waxay dib igu celisey 1992 – 1993 oo aan kamid ahaa Iskuulkii ugu horeeyey dadkii ka furay Garoowe oo dhawr bilood ama sanad wax ka yar is xidhay, iyadoo loo waayey wax laguwado, waa wax Alle lagu mahadiyo in maanta Puntland ka jiraan 198 Iskuul, kuwaasi oo ay ka faa’iidaystaan in ka badan 210,000 ( laba boqol iyo toban kun) oo arday ”

“Tacliintu waa iftiin ummadeed, haddii aanay tacliintu jirilahayn Puntland maanta sida ay u egtahay uma ekaateen, dadka garbahan u ah Puntland maanta waxay u badan yihiin dadkii helay fursadaha waxbarasho, waxaan aad ugu mahadcelinayaa EU-da iyo saxiibbo badan oo gacan weyn kasoo geystey waxbarashada Puntland, tacliintu waxay saldhig u tahay horumarka ay dadka Puntland ka gareen nabadda, xasiloonida iyo nidaamka wanaagsan ee maanta jira, cid kasta oo gacan-nagasiisayna runtii abaal weyn ayaan u haynaa” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Dhinca kale Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku booriyey guud ahaan hay’addaha dowladda iyo shacabka Puntland inay ka faa’iidaystaan khayraadka dhulkooda oo aanay isku ilaabin taageerada beesha caalamka, si ay ula tartamaan dhigooda.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku adkeeyey masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Puntland iyo kuwa ku hawlan arrimaha waxbarashada inay laba dhinac ahmidyadda siiyaan, kuwaasi oo kala ah Waxbarasha farsamada Gacanta iyo tan Wacyigelinta shaqooyinka dhaqan ahaan dadkeeni ka faano

-DHAMMAAD-

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????
Previous Post

Golaha Wasiirada Hirshabeelle Oo Ansixiyay Afarta Tubood iyo Halbeegyada Ku Xusan “SAWIRRO”

Next Post

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka Dalka oo Muqdisho kula shiray Hay’adaha taageera Baarlamaanka “SAWIRRO”

Next Post
Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka Dalka oo Muqdisho kula shiray Hay’adaha taageera Baarlamaanka “SAWIRRO”

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka Dalka oo Muqdisho kula shiray Hay’adaha taageera Baarlamaanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 16, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

March 15, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee, oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maanta magaalada Baydhabo waxa ay ka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

March 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta SoDMA ku qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In