Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku tilmaamay Raโ€™iisul Wasaaraha New Zealand hoggaamiye fariid ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku tilmaamay Raโ€™iisul Wasaaraha New Zealand hoggaamiye fariid ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa muujiyay sida uu ugu qanacsan yahay falcelinta Xukuumadda New Zealand ee ay hoggaamiso Raโ€™iisul wasaare Jacinda Ardern ay ka sameysay weerarka argagaxiso ee ka dhanka ahaa muslimiin salaadda Jimcaha ku tukanayay laba masjid oo ku yaalla Magaalada Christchurch (15 Maarso).

Related posts

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ญ๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ž๐ฒ ๐ƒ๐ฎ๐Ÿ๐œ๐š๐๐๐ข๐ข ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐Š๐ฎ๐ฆ๐š๐š๐ง๐๐จ๐จ๐ฌ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ง๐š๐›ย 

Wasiir Cawad oo khudbad kaย jeedinayayย kulanka degdega ee Ururka Iskaashiga Islaamka heer Wasiirro Arrimo Dibadeed oo ku qabsoomay magaalada Istanbul, Turkey, oo looga hadlayay weerarka argagaxiso ee bahalnimada leh ee Islaam neceybka ee ka dhacay New Zealand ayaa yiri โ€œAniga oo ku hadlaya Magaca Madaxweynahayga, kan Raโ€™iisul wasaarahayga iyo kan Shacabka Soomaaliyeed, waxa aan tacsi u dirayaa qoysaska, bulshada muslimka ah, Shacabka iyo Xukuumadda New Zealand oo ku aaddan xasuuqii Christchurch ee dhacay 15 March 2019. Ka Soomaali ahaan waxaan la tiiraanyeysannahay dhammaan dhibanayaasha aan waxba galabsan, waxa aan ka naxsannahay xasuuqaasi murugada lehโ€.

Wasiirku waxa uu khudbaddiisa ku sheegay in Soomaali lagu dilay weerarkaasi argagaxa lahaa โ€œtoogashada ka dhacday Masjidka Al Nuur iyo xarunta islaamiga Linwood ee Magaalada Christchurch ee lagu dilay 50 ruux, laguna dhaawacay 50 muslimiin aan waxba galabsan oo daโ€™doodu u dhexeysay 5 illaa iyo 79 sano-jir oo ka kala yimid wadamo kala duwan oo uu ku jiro dalkayga Soomaaliya. Weerarkaas nacaybka xambaarsanaa wuxuu gallaaftay nolosha 5 Soomaali New Zealanders ah oo uu ku jiray canug 5 sano-jir ahโ€.

โ€œWaxa aan si adag u cambaaraynaynaa weerarkaasi argagaxiso ee xun ee islaam naceybka ahโ€ ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Previous Post

Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis ku saabsan isdhaafsi dhul safaaradeed “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiye Tuulax oo xalay kormeeray hanaanka suggida Ammaanka Degmada Wadajir “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiye Tuulax oo xalay kormeeray hanaanka suggida Ammaanka Degmada Wadajir “SAWIRRO”

Guddoomiye Tuulax oo xalay kormeeray hanaanka suggida Ammaanka Degmada Wadajir "SAWIRRO"

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
0

Magaalada Edmonton gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen Aqoonyahanno...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ญ๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ž๐ฒ ๐ƒ๐ฎ๐Ÿ๐œ๐š๐๐๐ข๐ข ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐Š๐ฎ๐ฆ๐š๐š๐ง๐๐จ๐จ๐ฌ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ง๐š๐›ย 

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ญ๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ž๐ฒ ๐ƒ๐ฎ๐Ÿ๐œ๐š๐๐๐ข๐ข ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐Š๐ฎ๐ฆ๐š๐š๐ง๐๐จ๐จ๐ฌ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ง๐š๐›ย 

September 28, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hayโ€™adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In