Tuesday, July 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda xannaanada Xoolaha KG oo sheegtay in aan la gowrici karin Xoolo aan la baarin

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda xannaanada Xoolaha KG oo sheegtay in aan la gowrici karin Xoolo aan la baarin
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

July 21, 2026
Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

July 21, 2026

Wasiirka wasaaradda Xannaanada Xoolaha Maamul Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya, Muqtar Max’ed Guuleed, ayaa sheegay in aan la gowrici karin Neef aan la hubin Caafimaadkiisa.

Mudane; Muqtaar Guuleed, ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya la baari doono caafimaadka Xoolaha lagu qalayo Kawaanka gowraca ee Magaalada Baydhaba, si loo hubiyo bed-qabka Neefka.

Ammarkan ayaa yimid markii Wasiir Guuleed, xubno ka tirsan Baarlamaanka KG iyo maamulka Dowladda hoose ee Baydhabo ay kormeer ku tageen Suuqa Xoolaha iyo Kawaanka weyn ee Magaalada Baydhabo, si ay usoo Indha-Indheeyaan howlaha gowraca Xoolaha ee halkaasi ka socda iyo heerka uu gaarsiisan yahay faya dhowrkooda.

Wasiirka ayaa sheegay iyagoo kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka in ay billaabeen hubinta bed-qabka iyo Caafimaadka Xoolaha lagu qalo Magaalada, si looga Gaashaanto cudurro ka dhasha Hilibka la isticmaalo.

Wuxuu sheegay in ay kulammo la qaateen ganacsatada Xoolaha nool iyo kuwa ka howl-gala Kawaannada Magaalada, iyagoo kala sheekeystay sidii loo hirgelin lahaa tallaabooyinka uu maamulku qaadayo iyo awaamiirta lasoo rogay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ay Suuqa Xoolaha ku leeyihiin xarumo lagala socda Caafimaadka Xoolaha, isagoo xusay in ay kasoo saareen awaamiir cul-culus ciddii jebisana ay sharciga la tiirsan doonaan.

Howlahan lagula soconayo Caafimaadka Xoolaha iyo faya-dhowrka Kawaannada ayuu sheegay in dhowaan laga hir-gelin doono dhammaan degaannada Koofur Galbeed, isagoo Dad weynahana ugu baaqay in ay Xoolaha geystaan kuna soo tallaalaan xarumo Lacag la’aan ah oo laga furay Seyladda weyn ee Baydhabo.

Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowlad goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya oo kaashanaysa Wasaaradda Caafimaadka ee maamulkaasi ayaa in dhowaalaba wadday dedaallo ay ku hubineyso bed-qabka xoolaha lagu qalo Kawaannada, si aysan Shacabka ugu gudbin Cudurro kala duwan.

SHARE
Previous Post

C/llaahi Ciise Max’uud : “ Halgamaa Xusid Mudan” + Sawirro

Next Post

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo Cambaareeyey Weerarkii Argagixiso ee Shalay ka dhacay Muqdisho

Next Post
Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo Cambaareeyey Weerarkii Argagixiso ee Shalay ka dhacay Muqdisho

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo Cambaareeyey Weerarkii Argagixiso ee Shalay ka dhacay Muqdisho

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

July 21, 2026
0

Ciidamada dab-damiska iyo kooxaha gurmadka degdegga ah ee Gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay inay damiyaan dab xooggan oo maanta ka...

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

July 21, 2026
0

Masuuliyiin ka socday wasaaradaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho uga qaybgalay tababar ku saabsan dhisidda adkeysiga dhaqaale...

Dab xooggan oo saaka ka kacay qeybta Cabdulla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha

Dab xooggan oo saaka ka kacay qeybta Cabdulla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha

July 21, 2026
0

Dab xooggan ayaa saaka ka kacay qeybta Cabdulla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo ololka uu saameeyay goobo ganacsi oo ku...

Soomaaliya oo u diyaar-garoobaysa booqashada Madaxweynaha FIFA ee Muqdisho

Soomaaliya oo u diyaar-garoobaysa booqashada Madaxweynaha FIFA ee Muqdisho

July 21, 2026
0

Wada-shaqeynta dhow ee u dhexeysa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaamiyo Wasiir Maxamed Cabduqaadir Cali,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In