Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda xannaanada Xoolaha KG oo sheegtay in aan la gowrici karin Xoolo aan la baarin

admin by admin
March 24, 2019
in Wararka
0
Wasaaradda xannaanada Xoolaha KG oo sheegtay in aan la gowrici karin Xoolo aan la baarin
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Wasiirka wasaaradda Xannaanada Xoolaha Maamul Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya, Muqtar Max’ed Guuleed, ayaa sheegay in aan la gowrici karin Neef aan la hubin Caafimaadkiisa.

 

Mudane; Muqtaar Guuleed, ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya la baari doono caafimaadka Xoolaha lagu qalayo Kawaanka gowraca ee Magaalada Baydhaba, si loo hubiyo bed-qabka Neefka.

Ammarkan ayaa yimid markii Wasiir Guuleed, xubno ka tirsan Baarlamaanka KG iyo maamulka Dowladda hoose ee Baydhabo ay kormeer ku tageen Suuqa Xoolaha iyo Kawaanka weyn ee Magaalada Baydhabo, si ay usoo Indha-Indheeyaan howlaha gowraca Xoolaha ee halkaasi ka socda iyo heerka uu gaarsiisan yahay faya dhowrkooda.

Wasiirka ayaa sheegay iyagoo kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka in ay billaabeen hubinta bed-qabka iyo Caafimaadka Xoolaha lagu qalo Magaalada, si looga Gaashaanto cudurro ka dhasha Hilibka la isticmaalo.

Wuxuu sheegay in ay kulammo la qaateen ganacsatada Xoolaha nool iyo kuwa ka howl-gala Kawaannada Magaalada, iyagoo kala sheekeystay sidii loo hirgelin lahaa tallaabooyinka uu maamulku qaadayo iyo awaamiirta lasoo rogay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ay Suuqa Xoolaha ku leeyihiin xarumo lagala socda Caafimaadka Xoolaha, isagoo xusay in ay kasoo saareen awaamiir cul-culus ciddii jebisana ay sharciga la tiirsan doonaan.

Howlahan lagula soconayo Caafimaadka Xoolaha iyo faya-dhowrka Kawaannada ayuu sheegay in dhowaan laga hir-gelin doono dhammaan degaannada Koofur Galbeed, isagoo Dad weynahana ugu baaqay in ay Xoolaha geystaan kuna soo tallaalaan xarumo Lacag la’aan ah oo laga furay Seyladda weyn ee Baydhabo.

Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowlad goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya oo kaashanaysa Wasaaradda Caafimaadka ee maamulkaasi ayaa in dhowaalaba wadday dedaallo ay ku hubineyso bed-qabka xoolaha lagu qalo Kawaannada, si aysan Shacabka ugu gudbin Cudurro kala duwan.

SHARE
Previous Post

C/llaahi Ciise Max’uud : “ Halgamaa Xusid Mudan” + Sawirro

Next Post

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo Cambaareeyey Weerarkii Argagixiso ee Shalay ka dhacay Muqdisho

Next Post
Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo Cambaareeyey Weerarkii Argagixiso ee Shalay ka dhacay Muqdisho

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo Cambaareeyey Weerarkii Argagixiso ee Shalay ka dhacay Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In