Sunday, January 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynihii Aljeria oo iscasilay

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweynihii Aljeria oo iscasilay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kadib mudo todobaadyo ah oo jahwareer iyo rasbshado salka ku haya loolan siyaasadeed ee ka taagnaayeen dalka Aljeria ayaa arrintaasi soo afjarantay,kadib markii uu ku dhawaaqay in uu xilka ka degay madaxweynaha 82 jirka ah ee dalkaasi.

 

Related posts

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

January 18, 2026
Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

January 18, 2026

Warbaahinta dalkaasi Aljeria ayaa shaacisay in madaxweynihii dalkaasi Abdelaziz Bouteflika uu si rasmi ah ugu dhawaqay in uu iscasilay,kadib todobaadyo ay dibadbaxyo ballaarani dalkaas ka socdeen.

Waxaa dastuurka dalkaasi uu qabaa in xilka uu sii hayo guddoomiyaha Baarlamanka Dalkaasi,ilaa 90 casho kadibna doorasho madaxtinimo la qabanayo,waxaana haatan degan xaaladda dalkaasi,islamarkaana ay istaageen rabashadihii badnaa.

Wuxuu dalkaasi xukumayay Madaxweyne Bouteflika ilaa 20 sano,, oo talada dalkaas hayey 20 sanadood,wuxuuna dalkaasi ka soo saaray marxalado kaladuwan,sida dagaalo dhiig badan uu ku daatay oo u dhexeeyey Militariga dalkaasi iyo xisbiyo siyaasadeed.

Madaxweynihii hore ee dalkaasi Aljeria ayaa in muddo ah xanuunsanayay,waxaana uu qorsheynayay in markii 5-aad uu xilka madaxtinimo uu isku soo sharxo,balse tasi waxaa ka dhalatay fowdo,iyadoo militariga dalkaasina ay go’aamiyeen in aanu dalka ka sii talin Karin Madaxweyne Bouteflika.

Waxaa jira eedaymo sheegaya in awooddii siyaasadeed ee Mr Bouteflika ay ka faaidaysteen kooxo baayac mushtar ah, siyaasiyiin iyo saraakiisha militariga – si ay jagooyinkooda u ilaashadaan,Xisbiga talada dalkaas haya ee National Liberation Front (FLN), oo dib u dhigay doorashooyinkii dhici lahaa 18 april, ayaa ballan qaaday in ay abaabuli doonaan shirwayne qaran oo isbaddalo cusub lagu taabbagalinayo.

Madaxweynaha talada baneeyey ee dalkaasi Aljeria Mr Bouteflika oo talada dalkaas qabtay sanadkii 1999, ayaa dalkaasi ka saaray xalaad murugo lahayd,kadib markii uu dhacay dagaal sokeeye oo dhiig badani uu ku daatay,kaas oo galaaftay nolosha 150,000 oo qof.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Taliska CXD oo faah-faahin ka bixiyay Howlgallada Guulaha laga gaaray ee ka socda Dalka “DHAGEYSO”

Next Post
Taliska CXD oo faah-faahin ka bixiyay Howlgallada Guulaha laga gaaray ee ka socda Dalka “DHAGEYSO”

Taliska CXD oo faah-faahin ka bixiyay Howlgallada Guulaha laga gaaray ee ka socda Dalka "DHAGEYSO"

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

January 18, 2026
0

Xaaladda abaarta ah ee dalkeena ka jirta ayaa galaafatay xoolihii ay bulshada dhaqaneysay, waxaana tusaale kuugu filan Neefka sawirka ka...

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

January 18, 2026
0

Dhammaan Masuuliyiinta iyo Howlwadeenada Wasaaradda Maaliyadda XFS waxa ay ka tacsiyadeynayaa geeridii ku timid Allaha u Naxariistee Marxuum 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 π‡πšπ£π’...

Ra’iisul Wasaare Xamsa kulan mira-dhal ah la Odoyaasha dhaqanka

Ra’iisul Wasaare Xamsa kulan mira-dhal ah la Odoyaasha dhaqanka

January 18, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay odayaasha ku sugan magaalada Laascaanood , oo ka mid...

Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyadeeysay geerida Marxuum Danjire Cabdinuur Yuusuf

Ministry of Foreign Affairs Extends Condolences on the Passing of Ambassador Cabdinuur Dabaqe

January 18, 2026
0

The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia extends its deepest condolences on the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In