Wednesday, March 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska booliska oo shaaciyay in ciidanka ay ku guuleysteen bixinta miino dhulka lagu aasay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Taliska booliska oo shaaciyay in ciidanka ay ku guuleysteen bixinta miino dhulka lagu aasay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliye Ku-xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Zakiya Xuseen Axmed oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa warbaahinta uga warbixisay howlgallada maalmahaan ka socdo caasimadda iyo waxyaabaha kusoo kordhay.

Related posts

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 3, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado  biyo ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado biyo ah

March 3, 2026

Jeneraal Zakiya ayaa sheegtay in ciidanka Booliska uu dardar geliyey howlgalada ammaanka lagu adkeynayo, iyadoo xustay in ciidamada ay wadaan howlgallo guri walba oo ku yaalla caasimada lagu baarayo, si magaalada looga sifeeyo hubka sharci darrada ah.

Zakiya Xuseen Axmed ayaa xustay in hab cusub lagu soo kordhiyey baarista Gaadiidka, kaasi oo sahlaya in muddo kooban Gawaarida lagu Xaqiijiyo, waxaana ay tilmaamtay in ciidamada ammaanka lagu qalabeeyey agab u fududeynayo howlahooda shaqo.

Taliye ku-xigeenka Ciidammada Booliiska Soomaaliya Jeneraal Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in ciidanka Amniga ay miinooyin ka soo saareen deegaanka Weydoow ee duleedka Muqdisho.

“Intii ay ciidamada ku guda jireen howlgalkooda, waxa ay ku guuleysteen inay soo saaraan miinooyin ay argagixisada geliyeen deegaanka Weydoow ee duleedka Muqdisho, miinada waxaa la geliyay wadada dhinaceeda, taasi oo aan aaminsannahay in loogu dan lahaa sidii shacabka loogu dhibaateyn lahaa” ayay tiri Jeneraal Zakiya.

Taliye ku-xigeenka Ciidammada Booliiska Soomaaliya ayaa bulshada Soomaaliyeed ku wargelisay inay muujiyaan taxadar dheeraad ah, maadaama gaari nuuca Baraado loo yaqaan oo la tuhunsayahay in uu ku jiro magaalada, isla markaana cidda aragta ay ku soo wargeliyaan ciidamada booliska.

Sareeyo Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa hoosta ka xariiqday in ciidamada ay sii xoojin doonaan adkeynta ammaanka caasimadda, iyagoo ku shaqeyn doona xogaha ay ka heleen sirdoonka, si looga hortago dhagarta ay maleegayaan argagixisada Al-Shabaab, waxaana ay ku baaqday in la yareeyo isticmaalka gawaarida yar yar ee magaalada lagu dhex wato.

Previous Post

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo ka qayb-galay xafladda Qalinjebinta Ardayda Jaamacadda PSU “SAWIRRO”

Next Post

Eng.Yarisow “Waa Fal Waxashnimo ah in Gabar Soomaaliyeed loo diido in ay ku Umusho Isbitaal”

Next Post
Duqa Muqdisho” Waxaa bilowday howlgalo lagu sugayo amniga Caasimadda,”

Eng.Yarisow “Waa Fal Waxashnimo ah in Gabar Soomaaliyeed loo diido in ay ku Umusho Isbitaal”

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 3, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado  biyo ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado biyo ah

March 3, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Abaaraha Galmudug, ayaa maanta gaaray Degmada...

Abshir Cukaash oo dil toogasho lagu xakumay

Abshir Cukaash oo dil toogasho lagu xakumay

March 3, 2026
0

Abshir Cukaash Cabdi oo Ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa lagu eedeeyay In uu si kas ah u dilay Daahir...

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐄𝐫𝐠𝐚𝐲𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦ad𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐄𝐫𝐠𝐚𝐲𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦ad𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲

March 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa xafiiskiisa kula kulmay Ergayga Gaarka ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In