Thursday, May 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo ka qayb-galay xafladda Qalinjebinta Ardayda Jaamacadda PSU “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo ka qayb-galay xafladda Qalinjebinta Ardayda Jaamacadda PSU “SAWIRRO”

sss

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka qayb-galay munaasabad ballaaran oo ay ku qalinjebinayeen 202 arday oo bartay kuliyado kala duwan, isla markaana ka qalinjabiyay Jaamacadda PSU faraceeda Garoowe.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

May 28, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

May 28, 2026

Munaasabadda qalinajebinta waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ku wehlinayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir), Duqa degmada Garoowe Axmed Siciid Muuse, mas’uuliyiin ka socdey Wasaaradda Waxbarashada Puntland, Maamulka Jaamacadda PSU, Waalidiin, Arday iyo Marti sharaf kale.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan oo munaasabadda soo xiray ayaa ugu horayn hambalyo u diray maamulka Jaamacadda iyo ardayda qalinjabinaysa oo ah dufcaddii 12-aad ee Jaamacadda ka baxda, waxaana uu tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay ka soo qayb-galka xafladda.

Mudane Axmed Cilmi Cismaan ayaa ardayda ku dhiirigeliyey inay waddankooda aaminaan, ka shaqaystaan, dadkooda ugu faa’iideeyaan aqoonta ay barteen, shacabka reer Puntland ayuu ugu baaqay inay xoogga saaraan aqoonta qaybaheeda kala duwan, gaar ahaan midda sare, waxaana uu caddeeyay in dawladda Puntland ay ka go’an tahay sidii guud ahaan waxbarashada loo horumarin lahaa.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan ayaa shahaadooyin iyo abaalmarino guddoonsiiyey qaar kamida ardaydii qalin-jebisey iyo shakhsiyaad kale oo maamulka Jaamacaddu u gartay inay mudanyihiin, waxaana munaasabaddu ay ku soo idlaatay jawi farxadeed oo laga dheehanayay dadweynihii boqolaalka ahaa ee goobta joogay, kuwaas oo u hambalyaynayay ardayda qalinjabisay.

-DHAMMAAD-

ss

s
s

sss

Previous Post

Guddoomiye Mursal oo sheegay in dhameystirka Dastuurka uu muhiim u yahay si dalka loo gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah

Next Post

Taliska booliska oo shaaciyay in ciidanka ay ku guuleysteen bixinta miino dhulka lagu aasay “SAWIRRO”

Next Post
Taliska booliska oo shaaciyay in ciidanka ay ku guuleysteen bixinta miino dhulka lagu aasay “SAWIRRO”

Taliska booliska oo shaaciyay in ciidanka ay ku guuleysteen bixinta miino dhulka lagu aasay "SAWIRRO"

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

May 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dadka reer Muqdisho aysan diyaar u ahayn in ay ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

May 28, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in midnimada shacabka Soomaaliyeed ay laf-dhabar u tahay geeddi-socodka dib...

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

May 27, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shacab iyo masuuliyiin kula...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

May 27, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Salaadda Ciidda Carafo,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In