Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo hogaaminayey wafdi ka tirsan Baalamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta ka qayb-galay shir gaar ah oo ay isugu yimaadeen Guddoonnada Baarlamaannada Adduunka oo ka dhacay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.
Kulanka waxaa kasoo qayb-galay in ka badan 40 Guddoomiye Baarlamaan, iyada oo uu kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shuurada Dowladda Qatar M.ne Axmed Bin Sayid Al-Maxamuud iyo Guddoomiyaha Midowga Baarlamaannada Adduunka Marwo Gabriela Barron.
Kulankan waxaa la isku dhaafsaday aragtiyo kala duwan oo wax ku ool ah oo ku saabsan kaalinta goleyaasha Baarlamaanku ku leeyihiin horumarinta Dimiqoraadiyadda iyo caqabadaha hortaagan dhaqan gelinta nidaamka Dimoqoraadiga.