Tuesday, November 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madasha Lixaad ee Wasaaradaha Dastuurka oo Ka furmay Kismaayo+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Madasha Lixaad ee Wasaaradaha Dastuurka oo Ka furmay Kismaayo+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka madasha wasaaradaha Dastuurka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada oo saddexdii biloodba mar la qabto ayaa maanta ka furmay magaalada kismaayo ee dowlad goboleedka Jubbaland kadib hakad ku yimid bilooyinkii ugu dambeeyay.

 

Related posts

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

November 25, 2025
Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

November 25, 2025

Madasha waxaa ka qaybgalaya dhammaan Wasiirada Dastuurka Dolwadda dhexe iyo dowlad goboleedyada kala ah Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.

Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Dr. Hussein Abdi Elmi oo furay Madasha 6’aad ee Wasaaradaha Dastuurka Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa sheegay in loo baahanyahay in la dardargeliyo arrimaha u baahan wada xaajoodyada siyaasadeed sida hannaanka Maaliyadda Federaalka iyo Nidaamka Cadaaladda ee Federaalka.

Sidoo kale, waxaa hadalo ka jeediyay dhammaan wasiirada dastuurka dolwad goboleedyada oo bogaadiyay madasha islamarkaana isku raacay in loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo dastuurka, sidoo kale waxay bogaadiyeen 10-ka cutub ee Dib-u-eegista lagu sameeyay, waxyna ballanqaadeen in ay kala shaqayn doonaan hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka sidii loo bilaabi lahaa latashiyada dadwaynaha ee dastuurka.

Madasha ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay istiraatiijiyadda wacyigalinta iyo latashiyada dadwaynaha ee Dastuurka waxaana la isku raacay xilliga la bilaabayo latashiyada dadwayanaha isla bishaan april si loo dadrdargeliyo dhamaytirka dastuurka.

Madasha oo socon doonta muddo laba maalin ahaa waxaa lagu soo bandhigi doonaa cutubyada 1-9 ee dib-u-Eegista lagu sameeyay, si loo bilaabo la tashiyada dadwaynaha ee Dastuurka.

Gabagabada Madasha waxaa la soo saari doonaa warmurtiyeed.

—–DHAMAAD—–

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiirka Caafimaadka XFS oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wakiilka cusub WHO ee Soomaaliya+Sawirro

Next Post
Wasiirka Caafimaadka XFS oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wakiilka cusub WHO ee Soomaaliya+Sawirro

Wasiirka Caafimaadka XFS oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wakiilka cusub WHO ee Soomaaliya+Sawirro

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

November 25, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Safiirka Dowladda aan...

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

November 25, 2025
0

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), isaga oo gudanayo waajibaadka Dastuuriga ah iyo awoodaha uu sinayo Xeerka Doorashooyinka...

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

November 24, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in dowladdu ay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

November 24, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In