Friday, October 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo weydiisatay Midowga Boostada Adduunka (UPU) in laga qaado xayiraadda

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo weydiisatay Midowga Boostada Adduunka (UPU) in laga qaado xayiraadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan ayaa ka codsaday Midowga Boostada Adduunka (UPU) in ay Soomaaliya ka qaadaan xayiraadda saaran sanadaha badan si dalkeenu uga faaโ€™iideysto horumarka adduunku ka gaaray isgaarsiinta boostada.

Wasiirka oo ka hadlayay shirka Guddiga Maamulka ee UPU ayaa sheegay in adeegyada boostadu ay horumariyaan dhaqaalaha dal kasta maadaama ay yihiin kaabayaashii adeegyada ganacsiga kala gudbin lahaa, isla markaana lagu abuuri karo shaqooyin badan oo ay dhallinyaradu ka faaโ€™iideysan karaan.

Wasiirka oo sharraxayay qorshaha ay Wasaaraddu u dajisay soo-nooleynta Boostada ayaa sheegay in hawlo badan laga qaban doono dajinta siyaasadihii iyo qorshayaashii lagu hagi lahaa boostada dalka, tababarka iyo tayeynta shaqaalaha boostada, helitaanka agabkii lagu shaqeyn lahaa iyo dib-dhiska xarumihii boostada ee magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Wasiir Cashuur ayaa uga mahadceliyay UPU taageeradii kala duwaneyd ee ay siisay Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay, kuwaa oo ay ka mid ahayd inay fududeysay in boostadu ay dalka timaaddo, inkasta oo ay xayiraad dalkeena ka saaran tahay inaan dalka dibeddiisa wax u dirno โ€œWaxa aan fursaddan uga faaโ€™iideysanayaa inaan u mahadceliyo Danjire Bishaar Xuseen oo si gaar ah noola duubtay oo laโ€™aantiis aysan waxyaabo badan noo suurtogaleen.โ€

Wasiirka ayaa ugu dambeyntii ka codsaday dalalka xubnaha ka ah UPU in Soomaaliya laga taageero sidii dib loogu dhisi lahaa boostada dalka oo aasaas u ah horumarka dhaqaalaha iyo gacansiga caasriga ah.

Agaasimaha Guud ee UPU, Danjire Bishaar Xuseen, ayaa sheegay in UPU ay sameyn doonto wax kasta oo ay awooddo oo Soomaaliya u fududeyn kara in ay dib ugu soo noqoto inay xubin buuxda ka noqoto UPU, isaga oo xusay in uu soo dhoweynayo tallaabooyinka ay qaadday Wasaaradda sanadihii ugu dambeeyay iyo sida ay hoggaanka sare ee Wasaarrada uga goโ€™an tahay in ay soo nooleeyaan adeegyadii boosto oo casri ah.

Wasiirka oo uu safarkiisa ku wehliyo Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda, Md. C/laahi Bile Nuur ayaa inta ay joogaan dalka Switzerland la kulmi doonaan dalal kala duwan oo gacan ka geysan kara qorshaha Wasaaradda ee arrimaha boostada.

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

Previous Post

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo ka qeybgalay shirka horumarinta Tiknolojiyada+sawirro

Next Post

Shirkii u dhexeeyay Hayโ€™adaha Dastuurka Dalka ee Kismaayo oo War-murtiyeed laga soo saaray

Next Post
Shirkii u dhexeeyay Hayโ€™adaha Dastuurka Dalka ee Kismaayo oo War-murtiyeed laga soo saaray

Shirkii u dhexeeyay Hayโ€™adaha Dastuurka Dalka ee Kismaayo oo War-murtiyeed laga soo saaray

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

October 15, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In