Thursday, September 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Qorsheynta XFS oo ka warbixiyay ahmiyada shirkii Washington

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
April 13, 2019
in Wararka
0
Wasiirka Qorsheynta XFS oo ka warbixiyay ahmiyada shirkii Washington
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa warbaahinta Qaranka uga warbixiyay ahmiyadda shirarkii malmahan magaalada Washington ee dalka Mareynkanka uga socday wafdiga ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya oo la soo gabagabeeyay.

Wasiir Jamaal ayaa sheegay in Shirkan oo mudo laga soo shaqeynayay ay soo qaban qaabiyeen Dowladda Ingiriiska,Midowga Yurub,Bankiga aduunka iyo Hay’adda lacagta aduunka ee (IMF),waxaana shirka ka soo qeyb galay dalalka deymaha ku leh Soomaaliya iyo ururada waa weyn.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Laascaanood

Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Laascaanood

September 11, 2025
Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

September 11, 2025

“ Waxyaabaha looga hadlay waxaa ka mid ah,maadama lagu jiro gabagabadii ama qeybtii ugu dambeysay ee arrintii deyn cafiska Soomaaliya inaan fiirino dadka deynta nagu leh meeshey taagan yihiin,waqtiga maadama uu soo dhowaaday,xaaladooda waxay tahay, in Dowladda deynta laga cafinayo iyo in kale,” ayuu yiri Wasiirka Qorsheysan Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in qolo walba oo shirka ka hadashay ay diyaar ka tahay iney Soomaaliya kala hadlaan sidii lagu dhammeystiri lahaa deynta lagu leeyahay iyo cafinteeda.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa shirarkii malmahan ka socday magaalada Washington ka sheegay in isbedelo la taaban karo laga gaaray dhinacyada horumarinta maamulka iyo maaliyadda,amniga iyo arrimo badan oo horumarinta dhaqaalaha dalka ku saabsan.

Previous Post

Duqa Muqdisho oo sheegay in lala Xisaabtamayo Askarta Dilalka u geysta Darawalada Bajaajta

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Ku-xigeenka Xog-hayaha Difaaca Mareykanka+Sawirro

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Ku-xigeenka Xog-hayaha Difaaca Mareykanka+Sawirro

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Ku-xigeenka Xog-hayaha Difaaca Mareykanka+Sawirro

Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Laascaanood

Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Laascaanood

September 11, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay magaalada Laascaanood, caasimadda dowlad...

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

September 11, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuurriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii gardarrada ahaa ee maamulka Israa’iil u gaystay dalka...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

September 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hey'adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Suldaan Mustafa Awseed, oo ka mid...

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka  Qatar ee Soomaaliya

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

September 10, 2025
0

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In