Wednesday, March 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Qorsheynta XFS oo ka warbixiyay ahmiyada shirkii Washington

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Qorsheynta XFS oo ka warbixiyay ahmiyada shirkii Washington
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa warbaahinta Qaranka uga warbixiyay ahmiyadda shirarkii malmahan magaalada Washington ee dalka Mareynkanka uga socday wafdiga ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya oo la soo gabagabeeyay.

Wasiir Jamaal ayaa sheegay in Shirkan oo mudo laga soo shaqeynayay ay soo qaban qaabiyeen Dowladda Ingiriiska,Midowga Yurub,Bankiga aduunka iyo Hay’adda lacagta aduunka ee (IMF),waxaana shirka ka soo qeyb galay dalalka deymaha ku leh Soomaaliya iyo ururada waa weyn.

Related posts

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026
Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

March 25, 2026

“ Waxyaabaha looga hadlay waxaa ka mid ah,maadama lagu jiro gabagabadii ama qeybtii ugu dambeysay ee arrintii deyn cafiska Soomaaliya inaan fiirino dadka deynta nagu leh meeshey taagan yihiin,waqtiga maadama uu soo dhowaaday,xaaladooda waxay tahay, in Dowladda deynta laga cafinayo iyo in kale,” ayuu yiri Wasiirka Qorsheysan Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in qolo walba oo shirka ka hadashay ay diyaar ka tahay iney Soomaaliya kala hadlaan sidii lagu dhammeystiri lahaa deynta lagu leeyahay iyo cafinteeda.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa shirarkii malmahan ka socday magaalada Washington ka sheegay in isbedelo la taaban karo laga gaaray dhinacyada horumarinta maamulka iyo maaliyadda,amniga iyo arrimo badan oo horumarinta dhaqaalaha dalka ku saabsan.

Previous Post

Duqa Muqdisho oo sheegay in lala Xisaabtamayo Askarta Dilalka u geysta Darawalada Bajaajta

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Ku-xigeenka Xog-hayaha Difaaca Mareykanka+Sawirro

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Ku-xigeenka Xog-hayaha Difaaca Mareykanka+Sawirro

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Ku-xigeenka Xog-hayaha Difaaca Mareykanka+Sawirro

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026
0

Madaxa Qiimeynta iyo Kormeerka, Prof: Maxamed Cilmi Guure, ahna Xiriiriyaha Soomaaliya ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika (CAADP)...

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

March 25, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qaybgalay munaasabadda gabagabada barnaamijka Xoojinta Qaabdhismeedka Amniga Qaranka, oo lagu soo...

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

March 25, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar...

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

March 25, 2026
0

Boqolaal qoys oo ka mid ah dadka ay saameysay abaarta daran ayaa gargaar biyo dhaamin ah laga gaarsiiyay deegaanno hoostaga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In