Thursday, July 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo sheegay in lala Xisaabtamayo Askarta Dilalka u geysta Darawalada Bajaajta

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
April 13, 2019
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo sheegay in lala Xisaabtamayo Askarta Dilalka u geysta Darawalada Bajaajta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

July 3, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

July 3, 2025

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo ka tacsiyeeyey labo muwaadin oo Ciidanka Booliska ay ku dileen Muqdisho ayaa sheegay in gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya magaalada uu laf-dhabar u yahay nolosha bulshada Caasimadda, gaar ahaan dhalinyarada iyo dadka dan’yarta ah ee ka soo saarta nolol maalmeedkooda, sidaas daraadeedna aan loo qiil dayeyn wax walba oo dhibaataynaya, waxuna dhinacooda ka codsaday in la ilaaliyo shuruucda, lalana shaqeeyaa ciidamadda amniga.

Guddoomiyaha oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/G Bashiir Cabdi Maxamed ayaa kula hadlayay Isgoyska Bakaaraha dhalinyaro bannaanbaxayay, ayaa sheegay in ay jawaab deg-deg ah ka sugayan Taliska Booliska, loogana baahan yahay in gacan adag ay ku qabtaan cid kasta oo muwaadiniinta dhibaateynaysa.

Duqa Muqdisho ayaa ugu baaqay banaanbaxayaasha in xaaladda ay dajiyaan, isla markaana Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu qaaday tallaabo looga jawaabayo falkaas, iyadoo xabsiga la dhigay taliyihii xukumayay Ciidanka dilka geystay.

“Waxaan idinka rabnaa in aad la shaqeysaan ciidamada amniga, haddaan amni la helin Bajaaj ma socon karto, ka maamul ahaana waxaa diyaar u nahay cid walba oo dhibaato idiin geysata inaan la xisaabtano oo ilaalino xuquuqdiina.”

Sidoo kale, Duqa Muqdisho iyo Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa booqday qoysaska ay ka baxeen labada Marxuum ee dilka loo geystay, waxayna balanqaadeen in askarigii dilka ka danbeeyey caddaaladda la horgeyn doono.

Previous Post

Maamulka Degmada Shangaani oo Wado dadaallo lagu hormarinayo Nadaafadda degmada.

Next Post

Wasiirka Qorsheynta XFS oo ka warbixiyay ahmiyada shirkii Washington

Next Post
Wasiirka Qorsheynta XFS oo ka warbixiyay ahmiyada shirkii Washington

Wasiirka Qorsheynta XFS oo ka warbixiyay ahmiyada shirkii Washington

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

July 3, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

July 3, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa soo gaaray dalka Koonfur Afrika, halkaas oo uu u...

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

July 3, 2025
0

Danjire Cali Cabdi Awaare, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya...

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In