Boliiska Mareykanka ayaa magaalada Folorida ku qabtay nin looga shakiyay in ay la tagtay Cunsuriyadda, Naceybka dadka soo galootiga ah iyo kuwa Islaamka,kadib markii uu cod farriin ah uu u diray xubno ka tirsan xisbigga Dimoqraadiga.
Eedeysanahaan oo 49-sano jir ah waxaa lagu magacaabaa John Kless,kaas oo lagu eedeeyay in cod farriin ah oo hanjabaan ah uu u diray Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib oo ah haweenka Muslimka ah oo ku jira xisbigga Dimoqraadiga.
Ninkaan ayaa sidoo kale farriimo xambaarsan naceyb iyo hanjabaadyo dil ah u diray Eric Swalwell oo ah nin doonaya in xisbiga Dimoqraadiga uu ku matalo doorashooyinka la filayo sanadka 2020-ka ee madaxtinimada dalka mareykanka iyo Cory Booker oo ah Senetor madow oo Amerikaan ah.
Eedeysanahaan ayaa lagu waramay in uu farriintiisa codka ah ku muujiyay naceybka uu u qabo Ilhaan Cumar,waxaana uu sidoo kale afka ku ballaariyay sida uu u arko sareynta dadka caddaanka ah.
Ninkaan ayaa farriintiisa ku difaacay Madaxweyne Trump,wuxuuna uga digay siyaasiyiinta in ay joojiyaan mucaaradnimada ay ku hayaan Madaxweynaha Mareykanka.