Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa kulan laba dhinacle ah kula yeeshay Magaalada Doha Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Qatar Mudane Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, waxa ayna ka wada hadleen xiriirka laba geesoodka ย ah ee ka dhaxeeya labada wadan iyo habkii loo horumarin lahaa dhinac waliba,
Waxa ay sidoo kale isla faaqideen ย sidii loo xoogin lahaa xariirka wanaagsan ee ka dhaxeeyaย Soomaaliya iyo Qadar waxeyna diirada saareen ย arrimaha Gobolka ย iyo Dunida.
Xiriirka saldhigan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar waa tusaale iftiin badan oo caddayn u ah xiriirka dheer ee taariikhda labada dal.