Friday, July 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Garoowe “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Garoowe “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Gelinkii dambe garoonka Diyaaradaha Garoowe Gan. Maxamed Abshir Kusoo dhoweeyey Wefti uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyey geerida Wasiirkii Gaashaandhigga Jabuuti

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyey geerida Wasiirkii Gaashaandhigga Jabuuti

July 17, 2026
Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

July 16, 2026

Soo dhoweynta weftiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa qayb ka ahaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda Puntland iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Deni oo soo dhoweeyey Weftiga Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynayaasha Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya  ayaa ka hadlay muhiimadda Shirka wadatashiga ee Puntland martigelinayso.

“Waxaa maanta sharaf wayn noo ah, iyadoo maalin Jimce ah ay tahay inaan ku soo dhawayno Garoonka Gen, Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo Wafdi ballaaran oo la socday, iyadoo maalinta berri ah haddii Alle ka dhigo uu ka billaaban doono shir wadatashi ah Garoowe oo ay yeelan doonaan Madaxda DFS iyo Madaxda Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS”

“Shirkaas oo ah wadatashi oo aan rajaynayno in looga wada-hadlo waxyaabo dadka iyo dalka Soomaaliyeed dan u ah”. ayuu yiri Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa lagu wadaa in maalinta beri ah uu magaalada Garoowe ka furo shir wadatashi ah oo ay yeelanayaan Madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka.

Previous Post

Somali Foreign Minister: We are working to strengthen our partnership with the European Union

Next Post

WAR SAXAAFADEED: MAALINTA SAXAAFADDA ADDUUNKA

Next Post
Xukuumadda Soomaaliya oo cambaareysay qaraxii Argagixisada ay la beegsadeen goobo Rayid

WAR SAXAAFADEED: MAALINTA SAXAAFADDA ADDUUNKA

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyey geerida Wasiirkii Gaashaandhigga Jabuuti

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyey geerida Wasiirkii Gaashaandhigga Jabuuti

July 17, 2026
0

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA WASIIRKII GAASHAANDHIGGA DALKA JABUUTI   Muqdisho, Luuliyo, 17, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

July 16, 2026
0

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA, Mudane Cali Cabdi Maxamed, ayaa caawa kulan miro-dhal ah la...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

July 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti u qaabilsan Soomaaliya...

Hay’adds SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan deegaannada Kabxanleey iyo Deefow

Hay’adds SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan deegaannada Kabxanleey iyo Deefow

July 16, 2026
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta bulshada ku nool deegaannada Kabxanleey iyo Deefow ee hoostaga magaalada Beledweyne, xarunta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In