Maalinta 3-da May 2019, Waxaa dunida looga dabaaldegayaa sanad-guuradii 26-aad ee maalinta Xoriyadda Saxaafadda caalamka. Sanadkan, waxaa mowduuca caalamiga ah uu yahay โWarbaahinta Demoqraadiyadda: Saxaafadda iyo Doorashooyinka xilliyada Been-abuurka.โ
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska (WWDH&D) ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxay hambalyo u diraysaa dhamaan Saxaafadda Soomaaliyeed ย si gaar ah iyo guud ahaan saxaafadda caalamka maalintan muhiimka ah.
Ilaa boqol xafladood oo maalintan lagu xusayo ayaa ka dhacaya dunida oo dhan si loogu dabaaldego 26 guurada ka soo wareegtay xuska. Iyadoo, saxafiyiinta iyo dadka u ololeeya difaacooda ay ka wada hadlayaan dhibaatooyinka soo wajay warbaahinta ee dhinaca doorashooyinka, iyo sidoo kale sida warbaahinta u taageeri karto nabadda iyo geedi socodka dib u heshiisiinta.
Saxafiyiinta Soomaaliyeed ayaa dhibaatooyin badan waxay la qabaan saxaafadda kale ee caalamka, balse, ay u dheer tahay walwal dhinaca amniga ah.
Waxaa naga goโan ilaalinta xoriyatul qawlka sida uu cadeynayo qodobka 18-aad ee dastuurka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Wararka been abuurka, Soomaaliya way ka mid tahay dalalka ay saameeyeen, sidaa darted waxaan warbaahinta kala shaqeyneynaa sidii xal loogu heli lahaa xogta aan jirin ama been abuurka, sida iyadoo warbaahintu fuliso Xeerka Saxaafadda, isla markaana laga wada shaqeeyo sidii loo sameyn lahaa siyaasadda anshaxa saxaafadda oo dalkeenu uu yeesho.
Wasaaradda Warfaafintu, waxay si adag ugu howlan tahay sidii loo hagaajin lahaa biiโada ay warbaahinta dalku ku shaqeyso. Waxay abuurtay Waax ka tirsan Wasaaradda, oo ka shaqeysa Xiriirinta xukuumadda iyo warbaahinta gaarka ah si warbaahinta gaarka ah u helaan ย xog kasta oo ay ka doonayaan dowladda (Access to Information). Xafiisku, wuxuu u fududeeyaa warbaahinta munaasabadaha iyo shirarka jaraaโid ee dowladda iyo la xaqiijiyo amniga saxafiyiinta dalka.
Wasaaradda Warfaafintu, waxay xiriir dhow la leedahay warbaahinta Soomaaliyeed, iyadoo kulamo la yeelata looga tashado xiriirka labada dhinac, iyagoo ka wada shaqeeyay istaraatiijiyadda horumarinta warbaahinta dalka. โWaxaan ku howlan nahay abuuridda Guddiga ka kooban qeybaha daneeya saxaafadda oo ka shaqeeya Badqabka Saxafiga Soomaaliya. Wuxuu guddiga ka koobnaanayaa xubno ka tirsan heyโadaha dowladda, Warbaahinta Gaarka ah iyo Ururada Bulshada.
Wax ka badalka Xeerka Warbaahinta ayaa maray wadatashi baahsan oo lala sameeyay Warbaahita Gaarka ah iyo Daneeyayaasha Warbaahinta, oo ay ku jiraan saaxiibadeena caalamka. Xeerka Warbaahinta ee wax laga badalay wuxuu hadda horyaallaa Baarlamaanka Federaalka si uu u ansixiyo. Hase yeeshee, hadii ay jiraan qodobo wali u baahan wax ka badal, waxaa furan in laga wadahadlo kadib marka baarlamaanku ansixiyo nuqulka xeerka ee hadda horyaalla, Wasaaraduna wey ka goโan tahay in ay tixgaliso soo jeedin kasta ee waxtar leh ee warbaahinta gaarka loo leeyahay ay soo jeediyaan, iyadoo loo marayo nidaamka.
Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, waxay u xilsaaran tahay maamulka warbaahinta dalka iyo abuuridda siyaasadaha horumarinta, abuuridda jawi ay warbaahintu si madaxbanaan ugu shaqeyn karto isla markaana ay xaqiijiyo badqabka saxafiga. Wasaaraddu waxay soo dhoweyneysaa raโyiga lagu soo kordhiyo iyo talooyinka la xiriira sidii loo horumarin lahaa saxaafadda dalka si waafaqsan Istaraatiijiyadda Horumarinta Warbaahinta dalka.