Tuesday, February 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartanka Ramadaan

Tartamayaasha Shangaani oo caawa soo tiigsaday wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Shangaani oo caawa soo tiigsaday wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa todobaad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Shangaani iyo C/casiis oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineysa Maamulka Gobolka Benaadir.

Related posts

Ciidamada Gaarka ah ee Danab oo howlgalo ka fuliyey deegaanno hoostaga Jamaame

Ciidamada Gaarka ah ee Danab oo howlgalo ka fuliyey deegaanno hoostaga Jamaame

February 10, 2026
Wasiirka Amniga Gudaha Oo Hambalyo u dray Ciidanka Badda Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha Oo Hambalyo u dray Ciidanka Badda Soomaaliya

February 10, 2026

Tartameyaasha labada degmo ee Shangaani iyo C/casiis ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Markii ay soo idlaatay suโ€™aalihii min afarta ahaa ee la weydiiyay labada tartame, caawa ma jirin su’aalihii dadweynaha ee dhextaalka ahaa.

Shangaani

Tartameyaasha Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa la weydiiyey todobo Suโ€™aal, todobadii suโ€™aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen shan suโ€™aal, iyagoo iska qalday labo suโ€™aal, mana jirin wax ka faaโ€™iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Shangaani ay heleen waxay noqotay toban (10) dhibcood.

C/casiis

Tartamayaasha Degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo suโ€™aal, waxa ay ka jawaabeen Afar suโ€™aal, iyagoo iska qalday saddex suโ€™aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay helen, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada C/casiis waxay noqotay sideed (8) dhibcood.

Hadaba kulankii 7aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 8aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Marka iyo Hodan oo ka kala tirsan Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Banaadir.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo dib ugu soo laabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Raโ€™iisul Wasaare Khayre Oo Kormeeray Taliska Qaybta Guud Ee Booliiska Gobalka Banaadir iyo Isgoysyada Muqdisho+Sawirro

Next Post
Raโ€™iisul Wasaare Khayre Oo Kormeeray Taliska Qaybta Guud Ee Booliiska Gobalka Banaadir iyo Isgoysyada Muqdisho+Sawirro

Raโ€™iisul Wasaare Khayre Oo Kormeeray Taliska Qaybta Guud Ee Booliiska Gobalka Banaadir iyo Isgoysyada Muqdisho+Sawirro

Ciidamada Gaarka ah ee Danab oo howlgalo ka fuliyey deegaanno hoostaga Jamaame

Ciidamada Gaarka ah ee Danab oo howlgalo ka fuliyey deegaanno hoostaga Jamaame

February 10, 2026
0

Ciidamada Gaarka ah ee Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya ciidamada amniga Dowlad-Goboleedka Jubbaland, ayaa maanta fuliyay howlgal...

Wasiirka Amniga Gudaha Oo Hambalyo u dray Ciidanka Badda Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha Oo Hambalyo u dray Ciidanka Badda Soomaaliya

February 10, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Ciidanka...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ‘L๐š๐ฆ๐š ๐š๐ช๐›๐š๐ฅ๐ข ๐ค๐š๐ซ๐จ ๐ข๐ง ๐๐š๐๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐œ๐š๐›๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐ค๐š ๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐š๐ง ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ ๐š ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š’

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah...

Hayโ€™adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Tรผrkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi

Hayโ€™adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Tรผrkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi

February 10, 2026
0

Hayโ€™adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Hayโ€™adda Teknolojiyadda iyo Isgaarsiinta ee Jamhuuriyadda Tรผrkiye (BTK) ayaa kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad ah (MoU)...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In