Friday, July 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Meydka shahiid Xuseen Ceelaabe Faahiye oo Muqdisho lagu aasay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Meydka shahiid Xuseen Ceelaabe Faahiye oo Muqdisho lagu aasay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa duhurnimadii maanta oo Khamiis ah, barxadda Isbitaalka Madiina ee Muqdisho lagula dukaday Salaadda Janaasada meydka shahiid Xuseen Ceelaabe Faahiye oo ka mid ahaa lataliyeyaasha sare ee Siyaasadda Dibadda, iyadoo ay ka soo qeybgaleen Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Wasiirka Maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, qaar ka mid ah Xildhibaannada labada gole ee baarlamaanka, Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Danjire Saciid Xaaji Maxamuud Faarax, Danjireyeyaal, diblomaasiyiin, aqoonyahanno iyo shakhsiyaad caan ah iyo qaar ka mid ah qoyskiisa.

Meydka oo lagu aasay Qabuuraha Isbitaalka Madiina ayaa waxaa ka qeybgalay dadyow badan.

Allah u naxariistee Xuseen Ceelaabe oo noqday Wasiirka 13aad ee Arrimaha Dibadda, ayaa sidoo kale qabtay xilalka wasiirnimo ee Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha,  Daryeelka Naafada iyo Agoonta. Waxaa uu waqtigiisii nolosha ugu dheeraa uu geliyay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka oo uu ka shaqa bilaabay isagoo da’yar ah, kana gaaray xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi, waxaa lagu xusuustaa dejinta Qorshayaasha Qaranka ee horumarinta iyo tirakoobka dadka.

Related posts

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

July 16, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

July 16, 2026

Xuseen Ceelaabe Faahiye oo 82 sano-jir ahaa ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray weerar argagaxiso oo loo adeegsaday gaari biimaysan oo naftii halige uu kaxaynayay oo beegsaday tiro gaadiid dad rayid ah ay leeyihiin oo isku dayayay inay ka gudbaan bar baaris ciidan oo ku dhow Taallada Daljirka Dahsoon saacadihii hore ee subaxnimadii shalay ee Arbacada ( 22 May, 2019).

Previous Post

Madaxweynaha Puntland oo Booqday Qabriga Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed

Next Post

Xukuumadda oo Ansixisay Hindise Sharciyeedyada Waddooyinka Iyo Xamuulka iyo Xadaynta Cabbirka Baabuurta “SAWIRRO”

Next Post
Xukuumadda oo Ansixisay Hindise Sharciyeedyada Waddooyinka Iyo Xamuulka iyo Xadaynta Cabbirka Baabuurta “SAWIRRO”

Xukuumadda oo Ansixisay Hindise Sharciyeedyada Waddooyinka Iyo Xamuulka iyo Xadaynta Cabbirka Baabuurta "SAWIRRO"

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

July 16, 2026
0

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA, Mudane Cali Cabdi Maxamed, ayaa caawa kulan miro-dhal ah la...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

July 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti u qaabilsan Soomaaliya...

Hay’adds SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan deegaannada Kabxanleey iyo Deefow

Hay’adds SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan deegaannada Kabxanleey iyo Deefow

July 16, 2026
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta bulshada ku nool deegaannada Kabxanleey iyo Deefow ee hoostaga magaalada Beledweyne, xarunta...

Golaha Wasiirrada oo meel mariyay Habraaca Isku Xirka Farriimaha Dowladda ee Xilliyada Xaaladaha Degdegga ah

Golaha Wasiirrada oo meel mariyay Habraaca Isku Xirka Farriimaha Dowladda ee Xilliyada Xaaladaha Degdegga ah

July 16, 2026
0

Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Habraaca Isku Xirka Farriimaha Dowladda ee Xilliyada Xaaladaha Degdegga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In