Saturday, October 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo ku ammaanay Ciidanka Asluubta Dib u howlgelinta Warshadda Qalabka Dhismaha “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo ku ammaanay Ciidanka Asluubta Dib u howlgelinta Warshadda Qalabka Dhismaha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqday Warshadda Qalabka Dhismaha oo ay dib u hawlgaliyeen Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

 

Related posts

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025
Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

October 11, 2025

Madaxweynaha ayaa kormeeray qeybaha ay ka koobantahay warshaddan iyo xaddiga wax-soosaar ee ay leedahay, isagoona xog-wareystay injineerrada Soomaaliyeed ee gacanta ku haya.

Taliyaha Ciidamada Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu faray laba bilood kahor sidii dib loogu hawl gelin lahaa warshaddan oo ka kooban saddex qeybood oo kala ah, qeybta dhista laaamiyada, qeybta dhismaha guryaha iyo qeybta sameynta tuubooyinka lagu dhiso bullaacadaha.

Sidoo kale, Sarreeye Guud Bashiir ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu maanta kala hadlay dib- u-how-gelinta Warshadda Dharka Ciidanka, taas oo qeyb ka ah qorshaha dib u habeynta iyo tayeynta Ciidamada Qalabka sida.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku ammaanay Ciidanka Asluubta dadaalka ay ku bixinayaan in ay kabaan baahiyaha dhanka wax-soosaarka ee ka jirta dalkeenna iyo sidii aan isku tashi uga gaari lahayn dhanka dhismaha iyo agabka xafiisyada.

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa uga mahad-celiyey Madaxweynaha mudnaanta uu siinayo barnaamijyada wax-ku-oolka ah ee lagu horumarinayo dalka, iyagoona ballan qaaday in wax-soosaarka ugu horreeya ee Warshaddan dib loogu dhiso doono Taallooyinkii hore ee lagu maamuusay halyeeyadii Soomaaliyeed.

–DHAMMAAD–

Previous Post

Xukuumadda oo Ansixisay Hindise Sharciyeedyada Waddooyinka Iyo Xamuulka iyo Xadaynta Cabbirka Baabuurta “SAWIRRO”

Next Post

Tartamayaasha Shibis oo caawa soo tiigsaday wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Shibis oo caawa soo tiigsaday wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Shibis oo caawa soo tiigsaday wareegga 3aad ee tartanka "SAWIRRO"

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa soo dhoweeyay heshiiska nabadda ee Gaza, waxayna ammaaneen dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee...

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh ku ansixiyey Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS oo gudanaya...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Qaldan Ee Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Qaldan Ee Astaamaha Ciidanka XDS

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS Taliska...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In