Saturday, July 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartanka Ramadaan

Tartamayaasha Yaaqshiid oo u soo gudbay wareegga 3aad ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Kismaayo oo u soo gudbay wareegga 3aad ee tartanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa labaatanaad ee wareegga Labaad ku tartamay Degmooyinka Yaaqshiid iyo Dhuusamareeb oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Galgaduud, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineysa Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Related posts

Munaasabad lagu taageerayay garsoore Cumar Cartan oo lagu qabtay Nairobi

Munaasabad lagu taageerayay garsoore Cumar Cartan oo lagu qabtay Nairobi

July 4, 2026
Duqa Muqdisho oo casho-sharaf ku maamuusay Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya

Duqa Muqdisho oo casho-sharaf ku maamuusay Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya

July 4, 2026

Tartameyaasha labada degmo ee Yaaqshiid iyo Dhuusamareeb ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Yaaqshiid

Tartameyaasha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday Saddex su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Yaaqshiid ay heleen waxay noqotay sideed (8) dhibcood.

Dhuusamareeb

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal, iyagoo iska qalday Shan su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay dhigooda Yaaqshiid, sidaasi darteed wadarta guud dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Dhuusamareeb waxay noqotay Lix (6) dhibcood.

Hadaba kulankii 20-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga Saddexaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 21aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona Degmooyinka Kaxda iyo Buula–burte oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Hiiraan.

 

Previous Post

Tartamayaasha Hodan oo u soo gudbay wareegga 3aad ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo maanta ka qeybgalaya caleema saarka madaxweynaha K/Afrika

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo maanta ka qeybgalaya caleema saarka madaxweynaha K/Afrika

Madaxweyne Farmaajo oo maanta ka qeybgalaya caleema saarka madaxweynaha K/Afrika

Munaasabad lagu taageerayay garsoore Cumar Cartan oo lagu qabtay Nairobi

Munaasabad lagu taageerayay garsoore Cumar Cartan oo lagu qabtay Nairobi

July 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO(NAIROBI):-Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay,sidoo kalena lagu soo dhaweeyay garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir...

Duqa Muqdisho oo casho-sharaf ku maamuusay Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya

Duqa Muqdisho oo casho-sharaf ku maamuusay Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya

July 4, 2026
0

RADIO MUDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa xalay hoygiisa ku sameeyay casho-sharaf...

Ciidanka Booliska Caasimadda oo gacanta kusoo dhigay  shaqsi ku eedaysan fal dhagar ah

Ciidanka Booliska Caasimadda oo gacanta kusoo dhigay shaqsi ku eedaysan fal dhagar ah

July 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Ciidanka Booliiska Caasimadda ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane Maxamed Axmed Maxamed, kaas oo ku eedeysan inuu ku...

Dalka Canada oo lagu qabtay munaasabad lagu weynaynayo 1-da Luulyo

Dalka Canada oo lagu qabtay munaasabad lagu weynaynayo 1-da Luulyo

July 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Safiirka Soomaaliya ee Canada iyo Mareykanka Danjire Daahir Xasan Cabdi , Wasiirro hore iyo dad caan ah ayaa magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In