Saturday, August 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka arrimaha gudaha oo faah faahiyay habraaca doorashooyinka Dowlad goboleedyada

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
May 26, 2019
in Wararka
0
Wasiirka arrimaha gudaha oo faah faahiyay habraaca doorashooyinka Dowlad goboleedyada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha fedraalka iyo dib u heshiisiinta Dowlada Soomaaliya Cabdi Maxamed Sebriye oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa faah faahin dheeriya ka bixiyay Habraaca loo marayo doorashooyinka Dowlad goboleedyada dalka ee Wasaaradu dhawaan shaacisay .

 

Related posts

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarinta sanadka guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarinta sanadka guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

August 15, 2025
Shirka Garsoorayaasha heer Federaal oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka Garsoorayaasha heer Federaal oo lagu qabtay Muqdisho

August 14, 2025

Wasiir Sebriye ayaa sheegay in qorshahani yahay midkii horaba loogu shaqeyn jiray balse hada kaliya uun ay shacabka u soo bandhigeen.

Wasiirka oo arintaa ka hadlayay ayaa yiri “Wax hadda cusub oo aan soo saarnay ma jiraan, waxaan go-aansanay uun in aan soo dhigno shacabka hortiisa system-kii (nidaamkii) awalba lagu dhaqmaayay, ma jiro runtii hal qodobna allaha ka dhigee 27-ka qodob ee aan soo bandhignay qodob ku cusub”.

Wasiirka arrimaha arimaha gudaha oo la weydiiyay waxa ay ka yeelayaan ka wasaarad ahaan Maamuladda cabashada durba ka muujiyay arintaan ayaa ku jawaabay, “Wasaaradda arimaha gudaha guud ahaan dalkaan Dimuquraadiyeytiisa, iyo Fedraaleyntiisa mas’uuliyadooda guud, iyadaa iska leh, Wasaaradu kaalinbeey leedahay Dowlad goboleedkuna kaalinbeey leedahay mana ku fara galindoono kaalintooda, Waxaana diyaar u nahay in aan kala fariisano cid kasta oo cabasha ka qabta Habraaca aan soo saarnay ee loo marayo Doorashooyinka Dowlad goboleedyada”.

Hadalka Wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sebriya ayaa daba socda Warqad shalay ka soo baxday Xafiiskiisa oo looga hadlay Habraaca Doorashooyinka Dowlad goboleedyada Dalka.

 

Previous Post

Wafdi Ka socoda bank addunka oo Baydhabo gaarey kullana la qaatey Kusimaha Madaxweynaha Kgs .

Next Post

Mayor of Mogadishu welcomes the new Chief of UNDP Somalia Mr. Joceyln Mason

Next Post
Eng. Yarisow oo sheegay Mataaneynta Muqdisho iyo Saint Paul in qeyb weyn ay ka qaadan doonto horumarka iyo dib-u-soo kabasha Caasimadda

Mayor of Mogadishu welcomes the new Chief of UNDP Somalia Mr. Joceyln Mason

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarinta sanadka guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarinta sanadka guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

August 15, 2025
0

Madasha Somali Leadership Awards ayaa sanadkan 2025 abaalmarinta hoggaamiyaha ugu wanaagsan ee adeegga bulshada guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka...

Shirka Garsoorayaasha heer Federaal oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka Garsoorayaasha heer Federaal oo lagu qabtay Muqdisho

August 14, 2025
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa guddoomiyey kulanka sanadlaha ee Garsoorayaasha Heer Federaal iyo Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha...

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Laamaha amniga Muqdisho oo soo saaray War-saxaafadeed

August 14, 2025
0

Ciidamada Amniga ee Caasimadda Muqdisho ayaa saaka aroortii hore howlgal isugu jira xaqiijinta amniga iyo la-dagaallanka hubka sharci-darrada ah ka...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha shirkadaha shaqo-siinta gaarka ah

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha shirkadaha shaqo-siinta gaarka ah

August 14, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyey Xeer-nidaamiyaha shirkadaha shaqo-siinta gaarka ah iyo Hindise...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In