Tuesday, February 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xukuumadda Soomaaliya oo ku Baaqday In La Isku Kaashado Hagaaajinta Deegaanka.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Xukuumadda Soomaaliya oo ku Baaqday In La Isku Kaashado Hagaaajinta Deegaanka.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda fedraalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ka hadlay munaasabadda Maalinta Deegaanka Adduunka ee shanta Juun ayaa   ku baaqay in la isu xil-qaamo hagaajinta deegaanka.

“Anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca xukuumadda Soomaaliyeed waxaan rabaa inaan diro qaylo-dhaan deegaan taas oo ku qotonta sida deegaankeennu usii baaba’ayo lana joogo waqtigii qofkasta uu isuxil-qaami lahaa sidii deegaankeennu u noqon lahaa mid saamaxaya nolosha jiilka haatan iyo kuwa dhalan doona”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalku.

Related posts

Ra’iisul Wsaaraha XJFS oo xarigga ka jaray waddo casri ah oo laga hirgaliyey Degmada Wadajir ee Muqdisho

Ra’iisul Wsaaraha XJFS oo xarigga ka jaray waddo casri ah oo laga hirgaliyey Degmada Wadajir ee Muqdisho

February 3, 2026
Wafdi sare oo uu horkacayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo gaaray Baydhabo

Wafdi sare oo uu horkacayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo gaaray Baydhabo

February 3, 2026

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in Dikhowga Hawada uu si guud sannadkii u galaafto nolosha dad kabadan 7 malyuun oo ruux kuwaas oo eersada ku noolaanshaha deegaan wasakheysan, Neefsashada hawada wasakheysanna ay ka mid ah dikhwoga sababi kara khatarta caafimaad, dhibaato dhaqaale iyo bedqabka bulshooyin caalamka.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay Jarista dhirta iyo gubista dhuxushu ay qayb ka yihiin kororka dikhowga hawada ee dalka iyada oo sidoo kalena maareyn xumada qashinka iyo qiiqa gawaarida dalka oo badankoodu gaboow yihiin ay qayb weyn ka yihiin wasakhowga hawada taas oo ka dhigaysa waddaankeena mid halis ay kujirto caafimaadkiisa iyo bedqabkiisa.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa caddeeyay in Soomaaliaya  ay diyaar u tahay inay qayb ka ahaato dedaalada caalamiga ah ee lagu xakamaynayo wasakheynta hawada, oo ay abuurayso dedaal taariikhi ah oo ku aaddan bedqabka deegaanka Soomaaliya kaasoo ay qayb ka tahay; maalgashiga tamarta, maareynta qashinka, xakamaynta dhir jarista iyo hubinta tayada iyo bedqabka dhammaan qaybaha deegaanka.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa muhiimad gaar ah siinaysan  wax ka qabashada dhibaatooyinka deegaanka ragaadiyey oo ay ka mid yihiin; isbedelka cimilada, xaalufka iyo nabaad guurka, dabar go’a duurjoogta, xaalufinta dhirta, qashinka, xaalufka kheyraadka badaha & berriga ba.

 

Tan iyo sannadkii 1974, 5ta Bisha Juun ayaa dunida waxaa laga xusaa Maalinta Deegaanka Adduunka taas oo looga golleeyahay inay qayb ka ahaato wacyigelinta arrimaha deegaanka isla markaana ay bulashooyinka caalamku ku dedaalaan sidii ay diiradda u saari lahaayeen dhibaatooyinka waaweyn ee ragaadiyey deegaanka. Sannadkan 2019, waxaa uu caalamku isla qaatay in “Dikhowga Hawada” uu noqdo dhibaatada deegaan ee diiradda lagu saari doono xuska maalintan.

Previous Post

Q.Midoobay oo Geska Afrika u qoondeysay $45 milyan

Next Post

Mareykanka oo duqeymo ku dilay xubno ka tirsan Daacish

Next Post

Mareykanka oo duqeymo ku dilay xubno ka tirsan Daacish

Ra’iisul Wsaaraha XJFS oo xarigga ka jaray waddo casri ah oo laga hirgaliyey Degmada Wadajir ee Muqdisho

Ra’iisul Wsaaraha XJFS oo xarigga ka jaray waddo casri ah oo laga hirgaliyey Degmada Wadajir ee Muqdisho

February 3, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray waddo casri ah oo dhererkeedu yahay...

Wafdi sare oo uu horkacayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo gaaray Baydhabo

Wafdi sare oo uu horkacayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo gaaray Baydhabo

February 3, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa-bannaan iyo Xuduudaha Qaranka Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, Guddoomiye Mudane Yuusuf Cabduqaadir Maxamed iyo Xoghayaha Gudiga Mudane...

Haweeney horay dil u geysatay oo dil toogasho ah lagu fuliyey.

Haweeney horay dil u geysatay oo dil toogasho ah lagu fuliyey.

February 3, 2026
0

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa toogasho lagu fuliyey Hodan Maxamuud Diiriye oo  Maxkamad ku taalla Puntland ay dil toogasho ah horay...

Duqeymo culus oo laga fuliyey deegaano hoostago Masaajid Cali Gaduud.

Duqeymo culus oo laga fuliyey deegaano hoostago Masaajid Cali Gaduud.

February 3, 2026
0

Duqeyn culus ayaa saacadihii dambe ee xalay lagu beegsaday Khawaari muddooyinkii dambe godad ka qodanayay deegaanka Geedi-xeyr oo Waqooyi kaga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In