Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Shaqada oo khudbad ka jeedinaya shir weynaha Shaqaalaha Adduunka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xersi Warfaa iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, halkaa oo ay uga qeybgali doonaan shir weynaha Shaqaalaha Adduunka.

Wasiir Sadiiq Warfaa, ayaa shirka oo ay ka qeybgalayaan madax kala duwan oo illaa heer Madaxweyne ah oo  ka socda dalalka caalamka, waxaa uu ka jeedin doonaa khudbad uu diiradda ku saari doono shaqo la’aanta ka jirta dalka iyo sidii dalka looga hirgelin lahaa nidaam shaqooyin u abuuraya muwaadiniinta si buu yiri xal loogu helo shaqo la’aanta iyo shaqo yarida oo dhallinyarada shaqooyin loo abuuro, iyadoo safarkan ay ku waheliyaan xubno ka socda ururrada shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026

“Shirka aan u tageyno Geneva anniga iyo wafdiga aan hoggaaminayo waa mid muhiimad inoo leh, waxaan haddana gudbiyay codsi dalkeenna muddo fara badan ma uusan bixin lacagta xubin-nimada ee ururka oo sannad walba looga baahanyahay inay bixiyaan dowladaha, waxaan codsanay in maaddama dalkeenna uu dhibaato badan ku jiray in lacagta laga cafiyo, si aan u helno codka aan ku lahayn.” ayuu yiri Wasiir Sadiiq.

Wasiirka ayaa sheegay inuu dadaal badan ku bixinayo sidii Soomaaliya ay dib ugu soo ceshan lahayd codka ay ku lahayd ururka shaqaalaha adduunka, waxaa kaloo uu inta ku daray inuu kulamo kala duwan la qaadanayo madaxda shirka ka qeybgalaya si loo helo barnaamijyo u sahlaya bulshada Soomaaliyeed inay shaqooyin ku helaan dalka.

Shir weynaha Shaqaalaha Adduunka ayaa Geneva ka furmaya tobbanka bishan June, wuxuu soconaya illaa 21 -da bishan, iyadoo shir weynaha shaqaalaha adduunka uu u dabaal-deggayo sannad-guurradii boqollaad.

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xersi Warfaa ayaa casuumad rasmi ah ka helay Wasiirka Dhaqaalaha iyo horumarka dowladda Jarmalka oo ay ka wada-hadli doonaan kor u qaadidda xirfadda gacanta iyo sidii arrinta ay dowladda Jarmalka uga caawin lahayd Soomaaliya, waxaana Wasiirka uu booqasho ku tagi doonaa magaalada Bonn ee dalka Jarmalka.

Waxaa kalo uu sheegay, Wasiir Sadiiq Warfaa inuu wada-hadalka uga faa’iideysan doono sidii dowladda Jarmalka ay uga caawin lahayd Soomaaliya in dib loo furo iskuulkii farsamadda gacanta ee ku yaalla caasimadda Muqdisho iyo sidii loo dhisi lahaa machadka Sidam ee lagu tababbaro shaqaalaha.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay  u istaagan sidii dalkeenna ay  wada-jir ay ugu dhisi lahaayeen oo xoogga la saaro waxa ka dhaxeeya bulshada.

 

 

Previous Post

180-sano kaddib magaalada Athens ee dalka Giriiga oo laga hirgelinayo Masjid

Next Post

Maamulka Gobolka Hiiraan oo sheegay in la mideeyay canshuuraha deegaanada Hirshabeelle.

Next Post

Maamulka Gobolka Hiiraan oo sheegay in la mideeyay canshuuraha deegaanada Hirshabeelle.

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyay xarumo ay...

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026
0

Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa gaaray guul taariikhi ah kaddib ciyaar adag oo ay la yeesheen dhiggooda Mauritius,...

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

March 31, 2026
0

Waxaa maanta xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) lagu qabtay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, iyo wafdigeeda ayaa ka qayb galay shirka Golaha Guud ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In