Gudoomiyaha golaha aqalka sare BFS ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u jooga Soomaaliya Danjire Francisco Caetano Madeira Iyagoo ka wada hadlay arimaha AMISSOM iyo dowlad goboleedyada.
Kulanka oo saacado qaatay markuu soo gaba gaboobay ayaa waxaa ugu horayn saxaafada la hadlay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u jooga Soomaaliya Danjire Francisco Madeira waxana uu Sheegay in kulanka ay gudoonka yeesheen uu ahaa mid muhiim ah oo looga hadlay arrimaha Soomaaliya iyo howlgalka Midowga Afrika.
Habdhooraha golaha aqalka sare baarlamaanka Soomaaliya Senator Cabdikaafi Macalin Xasan ayaa sheegay in kulanka arrimaha looga hadlay ay ugu muhiimsanayd mudo kordhinta AMISSOM iyo arimaha Doorashooyinka dalka.
Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Soomaaliya iyo Midowga Afrika Soomaaliya ayaa waxaa ka Dhaxeeya wada shaqayn, iyagoo mar marka qaar ay yeeshaan kulamo ay uga hadlayaan ammaanka Soomaaliya iyo howlgalka Midowga Afrika ee AMISSOM.