Saturday, July 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo furay Xarunta Waaxda Barwaaqo ee degmada Warta-Nabadda.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
June 11, 2019
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo furay Xarunta Waaxda Barwaaqo ee degmada Warta-Nabadda.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta xariga ka jaray Xarunta Waaxda Barwaaqo ee degmada Warta-Nabadda.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dib u dhiska xarumaha waaxaha degmooyinka ay aasaas u yihiin qorshaha dariseynta, amniga iyo isku xirka bulshada Caasimadda.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

July 5, 2025
Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

July 5, 2025

“Xaruntan waxaan rabnaa in ay saldhig u noqoto wacyi gelinta bulshada deegmada iyo adkeynta isku xirnaantooda, taas oo aasaas u ah in aan ku tallaabsanno horumar iyo amni buuxa.”

Eng.Yarisow ayaa kula dardaarmay Maamulka heer Degmo iyo heer Waaxeed ee Warta-Nabadda in ay xoojiyaan isku xirnaanta bulshada iyo Maamulka, si loo xaqiijiyo amniga, bilicda iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah.

Munaasabadda xarig jarka Xarunta Waaxda Barwaaqo ee degmada Warta-Nabadda waxaa Guddoomiyaha Gobolka ku weheliyey Kuxigeenkiisa Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Tuulax iyo Guddoomiyaha Degmada Warta-Nabadda Marwo Saynab Maxamed Xaabsey.

Previous Post

Dowladda Mareykanka oo xal u goobeysa xiisada dalka Suudaan

Next Post

Madaxweynaha Galmudug oo kulan la qaatay Wafdi ka socda Qaramada Midoobay “Sawirro”.

Next Post
Madaxweynaha Galmudug oo kulan la qaatay Wafdi ka socda Qaramada Midoobay “Sawirro”.

Madaxweynaha Galmudug oo kulan la qaatay Wafdi ka socda Qaramada Midoobay “Sawirro”.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE): Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka Raaga Ceelle ee Macawiisleyda ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka...

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan geesiyaasha ka tirsan Ururada 93-aad iyo 96-aad ee Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad,...

Kulan loogu ducaynayo halyeeyadii xoriyadda dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan loogu ducaynayo halyeeyadii xoriyadda dalka oo lagu qabtay Muqdisho

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(MUQDISHO): Munaasabad ay soo qabanqaabiyeen dhallinyarada Caasimada, looguna ducaynayay halyeeyadii u dhintay xornimada dalkeenna ayaa Muqdisho lagu qabtay. Wasiirka...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 “𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐟-𝐝𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚𝐧.”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 “𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐟-𝐝𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚𝐧.”

July 3, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In