Diblomaasiyiin sare oo Mareykanka u qaabilsan Africa ayaa Todobaadkaan booqan doona dalka Suudaan si ay kulamo xal loogi raadinayo xiisada Suudaan ula qaataan mucaaradka iyo Militariga dalka Suudaan.
Wadahadalada labada dhinac ayaa burburay todobaadkii hore kadib markii ciidamada amaanku ay weerareen fariisimo ay dibadbaxyaashu ku sugnaayeen kudhawaad labo bil.
Tibor Nagy, oo ah caawiyaha xoghayaha Africa ee dowlada Mareykanka ayaa sidookale doodo xal siyaasadeed loogu raadinayo Suudaan ka samayn doona dalka Ethiopia.
Isagoona kulan laqaadan doono Raโiisul Wasaare Abiy Ahmed oo dhankiisa dhex dhexaadin ka dhaxwado golaha Militariga iyo dhaq dhaqaaqa mucaaradka.
Sidoo kale xoghayaha ayaa ku dhawaaqi doono in ciidamadu ay joojiyaan dagaalka ay kula jiraan shacabka.
Sadaxdii bishan ayaa qalalaasihii ugu xumaa waxa uu kadhacay dalka Suudaan tan iyo 11โkii bishii April markaas oo xilka laga tuuray hogaamiyihii ugu waqtiga dheeraa dalkaas.