DOwladda Kenya ayaa walaac xooggan ka muujisay Cudurka Ebola, markii uu ka dillaacay Wadday ay deriska yihiin ee Yugaandha.
Madaxa Caafimaadka ee ka howlgala degaannada xadka Labada Dal Joshua Arusei, ayaa Jariiradda Daily Nation u sheegay in Dad ka badan 300 Qof ay baaritaan mariyeen, kuwaas oo kazoo tallaabayay xudduudda.
Wuxuu sheegay in ay baarayaan dhammaan Dadka kasoo safraya Waddamada Yugaandha, Ruwaandha, Burundi, Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga Congo iyo Koonfurta Suudaan.