Guddoomiye ku-xigeenka maamulka degmada Kismaayo ee dhanka maaliyadda Rashiid Cabdi Muduloow oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka digay kooxo dadka rayidka ah canshuur uga qaata waraaqo been abuur ah oo aan maamulka ka soo bixin.
Guddoomiyaha ayaa shacabka degmada Kismaayo ugu baaqay in aysan bixin lacago aysan ogeyn Hay’adaha maalyada maamulka oo uu sheegay in ay qaadanayaan dad iska dhigayo shaqaalaha canshuurta qaada ee maamulka iyaga oo isticmaalaya Rasiidyo ama waraaqo been abuur ah.
Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in maamulku uu labo bilood ka hor joojisay qaadista canshuurta guryaha ee magalada Kismaayo, islamarkaana hadda aysan jirin canshuur ay ka qaadaan guryaha.
Dadka waraaqaha been abuur ah shacabka uga qaata canshuurta oo intooda badan gacanta maamulka ku jira ayuu sheegay Guddoomiyahu in sharciga la hor-geyndoono.