Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Caalamka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Turkiga uga qayb galay xuska maalinta caalamiga ah ee la dagaallanka saxaroobidda deegaanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Caalamka, Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Turkiga uga qayb galay xuska maalinta caalamiga ah ee la dagaallanka saxaroobidda deegaanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga uga qayb galay sannad guurada 25-aad ee xuska maalinta caalamiga ah ee la dagaallanka Saxaroobidda dhulka  (June 17).

Dowladda Turkiga ayaa marti gelisay xuska, waxaana munaasabadda furay Wasiirka Beeraha ee dalka Turkiga oo sheegay in ay muhiim tahay ka qayb qaadashada dib-u-dhiraynta deegaanka si looga baaqsado dhibaatada ka dhalata nabaad guurka deeganka.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Munaasabadda oo ay kasoo qayb galeen mas’uuliyiin badan oo ka kala socota daafaha caalamka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ibraahim Thiaw of Mauritania, oo ah xoghayaha fulinta cahdiga Qaramada Midoobay ee la dagaallanka saxaroobidda deegaanka (UNCCD).

Cahdiga Qaramada Midoobay ee  la dagaallanka saxaroobidda dhulka oo la sameeyay 1994-kii ayaa dhammaan dhinacyada waajib uga dhigaya in ay u hoggaansamaan heshiisyada la xariira deegaanka iyo hurumarinta xasilinta maamulka dhulka.

Maalinta caalamiga ah ee la dagaalanka Saxaroobidda dhulka iyo abaaraha ayaa waxaa la isku xasuusiyaa dhibaatooyinka ka dhasha saxaroobidda, waxyaabaha keena in dhulku uu saxaro noqodo iyo qorshayaasha looga hor-tegayo.

Halku-dhigga sannadkaan ee xuska munaasabadda 17-ka June ayaa laga dhigay “Aan Aan mustaqbalka u horumarinno si wadajir ah”

Khudbad uu Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya uu ka jeediyay munaasabadda xuska ayuu ku sheegay dhibaatada ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay ku qabaaan deegaannada saxarroobaya iyo qorshaha dowladda ee looga hor tegayo saamaynta isbedelka cimillada, abaaraha iyo dhammaan waxyaabaha sababa in dhulku uu saxaroobo oo wax soo saarku uu hoos u dhoco.

Saxaroobidda deegaanka, xaalufinta iyo abaarha ayaa qayb ka qaata kasii daridda dhibaatooyinka dhaqaalaha, bulshada iyo deegaanka ee ay kamidka yihiin faqriga, barakaca bulshada, caafimaad darrada, yaraanta amniga cunnada, yaraanta biyaha iyo u nuglaanta saamaynta isbedelka cimmilada adduunka.

Previous Post

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo akhrinta 1aad marsiiyay Sharciga Iibka Qaranka

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Qaabilay Maamulaha Guud Ee Hay’adda USAID “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Qaabilay Maamulaha Guud Ee Hay’adda USAID “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Qaabilay Maamulaha Guud Ee Hay’adda USAID "SAWIRRO"

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In