Waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay Bandhigga wax soo saarka Dalka, waxaana intii uu socday looga dooday caqabadaha ku hor gudban, fursadaha horyaalla iyo sida loo xoojin karo shirkadaha ka ganacsida Ilaha dhaqaalaha Qaranaka sida Beeraha, Kaluumaysiga iyo xannaanada Xoolaha.
Kulankan oo Laba Cisho socday ayaa waxaa soo qaban qaabiayay mashruuca kobcinta ganacsiga iyo shaqa abuurka ee heyโadda horumarinta caalamiga ah ee Mareekanka (USAID), iyadoo dooddaasina ay qeyb ka ahaayeen madax, qubaro iyo aqoonyahanno.
Xildhibaan Sakariye xaaji Maxamuudย Cabdi, oo ka tirsan Aqalksa Sare ee Baarlamaanka Dalka ayaa sheegay in loo baahan yahay wax ka beddalka habka wax soo saarka, gaar ahaan xannaanada Xoolaha oo waqti dheer ku tiirsan Roobka.
Agaaismaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Soomaaliya , Maxamuud Maxamed Maxamuudย , ayaa ujeedka Dowladdu ka leedahay Bandhigan ku tilmaamay kobcinta dhaqaalaha iyo shaqa abuurka Bulshada.
Gabagagabda bandhigan ka qeyb galayaasha waxa ay sheegeen in uu ahaa mid u suurta galiyay soo gudbinta wax soo saarkooda iyo in ay kala faaโiideestaan, maadaama ay ka kala yimaaddeen Goballo kala duwan.