Gantaal ayaa lagu dhuftay arbacadan maanta ah xarumaha dhowr shirkado shidaal oo caalami ah ay ku leeyihiin magaalada koonfurta Ciraaq ku taalla ee Basra, iyadoona ay ku dhaawacmeen 3 shaqaale oo ciraaqiyiin ah.
Gantaalkan ayaa keenay welwel xilli ay ka jirto gobolka xiisad u dhexeysa Mareykanka iyo Iiraan.
Gantaalkan ayaa ku dhacay deegaanka la yiraahdo Burjeesiya oo ku yaalla galbeedka magaalada Basra sida uu sheegay booliska dalka Ciraaq.
Goobtan uu gantaalku ku dhacay ayaa degaan u ah tiro shirkado shidaal oo caalami ah oo ay ku jiraan shirkado Mareykan ah, kuwo Holan ay leeday iyo kuwo Talyaanigu leeyahay.