Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane; Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa la kulmay Guddi xaqiiqa raadin ah ee uu soo Magcaabey ย Madaxweynaha koofur Galbeed Mudane Cabdicasiis (lafta gareen).
Guddigan ayaa soo baaraya dhibaatadii dhowaan ka dhacadey Magaalooyinka Dhoosamareeb iyo Gaalkacyo ee Dowlad Goboleedka Galmudug , halkaas oo lagu laayey Dad Shacab ah oo aan waxba galabsan.
Guddigan ooย uu horkacayey Wasiirka wasaaradda caddaaladda Soomaaliya, ayaa waxaa xubno ka ah Xildhibaanno , Salaaddiin iyo Malaaqyo oo ka soo jeedo degaannada Koofur galbeed.