Munaasabada uu xilka kula wareegayay Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Cabdiraxmaan Cali Diiriye ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka socday labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, qaar ka mid ah Madaxda Maamulka Gobalka Mudug iyo kan Degmada Gaalkacyo ee Puntland iyo Galmudug iyo boqalaal xubnood oo matalayay ururada bulshada Gobalka Mudug.
Guddoomiyihii hore ee Gobalka Mudug Cabdirashiid Xaashi Cartan oo ugu horeyn munaasabada kasoo jeediyay qudbad uu kaga hadlayay waxqabadkiisa mudadii uu xilka ayaa xusay inay ka mid ahayd dadaaladii Nabadeed ee mira dhalka noqday isla markaana sababtay in bulshada kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug ay xiligaan nabad kuwada noolaadaan, waxaana uu kula dar daarmay Guddoomiyaha cusub in looga baahan yahay dulqaad iyo adkeysi ku aadan caqabadaha jira.
Mudane Cabdiraxmaan Cali Diiriye ayaa isna ka mahad caliyay sida wanaagsan ee xilka loogu wareejiyay isla markaana waxa uu sheegay in halkii uu soo gaarsiiyay Guddoomiyaha hore kasii wadi doono, uuna ka shaqeyn doono cadaaladda iyo wada jirka bulshada Gobolka Mudug.
Xiriiriyaha arrimaha dib u heshiisiinta dowlad Gobaleedyada Galmudug iyo Puntland ee Wasaaradda arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Rooble Axmed Daahir oo munaasabada ka hadlay ayaa ku aamanay ugana mahad celiyay Guddoomiyihii hore ee Gobalka sidii uu ugala shaqeeyay Nabadda Gobalka Mudug isagoo dhanka kalana kula dar daarmay Guddoomiyaha cusub ee xilka la wareegay inuu xooga saaro ka shaqeynta amniga iyo Nabadda.
Munaasabadda oo intii ay socatay ay ka hadleen mas’uuliyiin kala duwan oo uu ka mid ahaa Guddoomiye ku xigeenka Gobalka Mudug ee Puntland Xasan Wardheere Warsame iyo qaar ka mida mas’uuliyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Mudugg ayaa waxaa gunaanadkii soo xiray Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad iyo Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo tilmaamay in ahmiyadda koowaad la saaro wada jirka iyo nabad ku wada noolaanshiyaha bulshada Gobolka Mudug wada degan, lagana hortaga cidkasta oo qal qal gelineysa amniga.