Thursday, September 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Beeraha Soomaaliya Oo Ka Qaybgalay Shir caalami ah oo ka dhacay Talyaaniga

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Beeraha Soomaaliya  Oo Ka Qaybgalay Shir caalami ah oo ka dhacay Talyaaniga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid  oo howlo shaqo u jooga  dalka Talyaaniga ayaa halkaasi kaga  qaybgalay kalfadhiga 41-aad ee Ururka Qaramada Midoobay u qaabilsan cunada iyo Beeraha ee FAO.

Ajandaha ugu weyn ee kulanka uu ka qeyb galay Wasiirka Beeraha Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid wuxuu ahaa  doorashada Agaasiimaha Guud ee FAO, waxaana loo doortay Dr.Un DJOU oo u dhashay dalka Shiinaha.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026

Soomaaliya waxay si buuxda uga qaybgashay dhammaan howlaha shirka, Wasiirka oo uu wehliyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Talyaaniga Ambassador Cabdiraxmaan Sheekh Ciise ahna Wakiilka Soomaliya ee Hayadaha FAO ayaa kulamo kala duwan la yeeshay Madaxda Hey’adda IFAD, Wasiiro kala duwan iyo Agaasiimaha Guud ee la doortay waxeyna kala hadleen sidii loo horumarin lahaa Beeraha loona kordhin lahaa wax soo saarka dalka, Wasiir Ciid ayaana kulan qaasa oo uu la yeeshay  madaxa Hey’adda  (IFAD) Gilbert F. Houngbo  wuxuu kala hadlay sidii IFAD ay dib ugu bilaabi lahayd maalgalin toosa oo ku saabsan  horumarinta Beeraha Soomaaaiya, waxeyna labada dhinac isku afgarteen in si toosa loo bilaabo qorshe wada hadal oo arrintaasi ku  saabsan.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii loo xoojin lahaa wax soo saarka dalka loona heli lahaa Maalgashiyo dhinacyo kala duwan leh si uu dalkeenu u gaaro isku filnaansho dhameystiran.

Previous Post

Xiisadda Mareykanka iyo Iiraan oo gaartay meeshii ugu sareysay

Next Post

Wasaaradda Caafimaadka oo daahfurtay Ololaha Tallaalka Cudurka Daacuunka

Next Post
Wasaaradda Caafimaadka oo daahfurtay Ololaha Tallaalka Cudurka Daacuunka

Wasaaradda Caafimaadka oo daahfurtay Ololaha Tallaalka Cudurka Daacuunka

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin...

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

September 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay Warbixinta Dhaqaalaha...

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

September 16, 2026
0

Agaasimaha Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed Faatir, ayaa ku dhiirrigeliyey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In