Saturday, June 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Booliska Soomaaliyeed oo ka hadlay dil ay Ciidanka AMISOM dhowaan ka geysteen Ceelasha Biyaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 28, 2019
in Wararka
0
Booliska Soomaaliyeed oo ka hadlay dil ay Ciidanka AMISOM dhowaan ka geysteen Ceelasha Biyaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha qeybta Nabad gelyada Waddooyinka Soomaaliya, Janaraal; Maxamed Yuusuf Cumar (Madaale), ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan kiiska shilkii dhowaan ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha, markii ay Ciidanka AMISOM gaari jiirsiiyeen Saddex muwaaddiniin Soomaaliyeed ah oo watay Mooto Bijaaj.

Taliyaha ayaa Allaha u naxariistee Saddexda muwaaddin Magacyadooda ku kala sheegay, Alifle Cabdishakuur Bootaan Cabdille,oo ka tirsanaa Ciidanka Daraawiishta, Cabdiqaadir Xuseen Cali, oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo wadihii Mootada oo lagu Magacaabi jiray, Dalmar Jeylaani Abuukar Cabdi.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025

Wuxuu sheegay Taliyuhu in Baabuur nooca gaashaaman ah oo ay lahaayeen uu jiiray Marxuumiinta, laakiin nasiib wanaag ay daba socotay Mooto kale oo ay la socdeen xubno ka tisan Ciidamada Qaranka, taas oo fududeysay in shilkaasi laga helo xog badan oo ku filan Dadka Soomaaliyeed ehelada dhibbanayaasha.

Taliyaha ayaa sheegay sababta ku kalliftay Ciidanka AMISOM in ay ka cararaan goobta uu shilku ka dhacay in ay ahayd baqdin ay ka qabeen in ay waxyeello kaga timmaado Dad ka careysan dhacdadaasi.

Taliyaha qeybta Nabadgelyada Waddooyinka ee Soomaaliya, Janaraal; Madaale, ayaa sheegay in Ciidanka AMISOM ay qaateen mas’uuliyadda shilkan, isla markaana ay u hoggaansamayaan sharciga.

Wuxuuna Shacabka Soomaaliyeed ku war geliyay in ay Dowladdu ku howlantahay sidii ay xuquuqdooda ku heli lahaayeen dhibbanayaasha iyo Eheladoodaba, isla markaana ay u hagar bixi doonto, isagoo ugu dambeyn tacsi u diray Dadkii ay sida gaarka ah uga baxeen Saddexda marxuum.

Previous Post

Akhriso War-Murtiyeed laga soo saaray kulanka Ra’iisul Wasaaraha XFS iyo  Madaxweynaha Galmudug

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Guddoomiyay Shir Amniga looga hadlayay oo lagu qabtay Cadaado “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Guddoomiyay Shir Amniga looga hadlayay oo lagu qabtay Cadaado “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Guddoomiyay Shir Amniga looga hadlayay oo lagu qabtay Cadaado "SAWIRRO"

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In