Monday, June 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kulan La Yeeshay Qaybaha Kala Duwan ee Bulshada Caabuudwaaq “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kulan La Yeeshay Qaybaha Kala Duwan ee Bulshada Caabuudwaaq “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Caabuudwaaq kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada ku nool magaalada.

Kulanka oo ka dhacay xarunta agoonta Taakulo ayna goob joog ka ahaayeen madaxweyne ku-xigeenka Gal-mudug, wasiirro, xildhibaanno, mas’uuliyiinta degmada ayuu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre bulshada ku hordhigay qorshaha dowladda ee taabba gelinta hannnaanka dib-u-heshiisiinta iyo doorashooyinka si loo dhiso Galmudug dhamaystiran oo horumuud u noqota horumarka deegaanka iyo guud ahaan dalka.

Related posts

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ka daah-furtay kulanka Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoose Mara

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ka daah-furtay kulanka Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoose Mara

June 22, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday Tiyaatarka Qaranka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday Tiyaatarka Qaranka

June 22, 2026

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulanka ka sheegay in dowladda federaalka ay doonayso in adeegyada bulshada ay daadejiso, si loogu guulaystana ay muhiim tahay in la xoojiyo dowlad gobaleedyada, sidaa darteed ay dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay mudnaan gaar ahna ay siinayso dhamaystirka hay’adaha dowlad gobaleedyada dalka.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu ka codsaday bulshada ku nool Caabuudwaaq in dowrka uga aadan ay ka qaataan taaba gelinta doorashooyinka Galmudug iyo isu-dumidda bulshada si loo helo Galmudug nabad ah, wadajirta, lehna maamul loo dhanyahay.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa deegaannada Galmudug ku jooga socdaal shaqo oo qorshihiisu yahay in Galmudug ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo horseedda dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kumannaan Dadwayne Ah Kula Hadlay Magaalada Caabuudwaaq Ee Gobalka Galguduud “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Oo Booqday Madxafka Shaoshan Mao Zedong ”SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Oo Booqday Madxafka Shaoshan Mao Zedong ”SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Oo Booqday Madxafka Shaoshan Mao Zedong ”SAWIRRO”

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ka daah-furtay kulanka Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoose Mara

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ka daah-furtay kulanka Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoose Mara

June 22, 2026
0

Nairobi, Kenya – 22 Juun 2026 – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), iyadoo kaashanaysa Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah (IFC), ayaa maanta...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday Tiyaatarka Qaranka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday Tiyaatarka Qaranka

June 22, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud oo ku guda jira dardargelinta howlaha diyaarinta maalmaha Xorriyadda,...

Dhaqaatiirta Isbitaalka Al-Ixsaan oo baritaano caafimaad oo lacag la’aah u sameeyay shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta

Dhaqaatiirta Isbitaalka Al-Ixsaan oo baritaano caafimaad oo lacag la’aah u sameeyay shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta

June 22, 2026
0

Dhaqaatiirta Isbitaalka Al-Ixsaan ee Muqdisho ayaa maanta Howladeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS u sameeyay baaritaan caafimaad oo...

Guddoonka Labada Aqal oo ka tashaday furitaanka kalfadhiga 8-aad ee BJFS 

Guddoonka Labada Aqal oo ka tashaday furitaanka kalfadhiga 8-aad ee BJFS 

June 22, 2026
0

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay hoyga Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In