Horjooge Mukhtar Mohamed Abdi (Mukhtaar Ganeey) ayaa isku soo dhiibay Hay”adda NISA kaas oo Muqdisho laga soo dajiyay maanta.
Qoraal la soo dhigay barta Twitterka ee NISA ayaa lagu sheegay in Mukhtaar Ganeey uu muddo dheer ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana uu NISA ka dalbaday inay u sahasho sidii uu Al-Shabaab uga soo goosan lahaa.
“Waxaa hadda Muqdisho soo gaaray Mukhtar Mohamed Abdi (Mukhtaar Ganeey), oo ahaa sargaal sare oo muddo dheer ka tirsanaa argagixisada Alshabab, kadib markuu ka dalbaday NISA inay u sahasho sidii uu uga soo goosan lahaa”.
Mudooyinkii u dambeyay waxaa sii kordhayay Horjoogayaasha iyo Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee soo dhiibeya kuwaas oo la sheegay in ay ka cararayaan Howlgala Ciidanka ee ka Dhanka ah Argaggixisada.