Thursday, April 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska Munaasabadda 1-da Luulyo oo lagu qabtay Gaalkacyo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Xuska Munaasabadda 1-da Luulyo oo lagu qabtay Gaalkacyo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadaan lagu maamusayay 59 sano guuradii ka soo wareegtay markii ay Gobolada Koofureed ay xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga iyo israacii Gobolada Waqooyi iyo kuwa Koofureed ee dalkeena oo ku began 1-Luulyo ayaa maanta lagu qabatay Galkaacyo.

Munaasabada oo ay si wadajir ah usoo agaasimeen maamulada Gobalka Mudug ee Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiinta Gobalka Mudug ee Puntland iyo Galmudug iyo boqalaal dadweyna ah.

Related posts

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

April 9, 2026
Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

April 9, 2026

Guddoomiyeyaasha Gobalka Mudug ee Puntland iyo Galmudug Axmed Muuse Nuur iyo Cabdiraxmaan Cali Diiriye oo ugu horeyn munaasabada ka hadlay, ayaa sheegay maanta inay tahay maalin ku weyn Ummadda Soomaaliyeed ayna ku faraxsan yihiin in markii u horeysay bur burkii kaddib si wadajir ah ay uga qabsoonto magaalada Galkaacyo.

Munaasabada oo intii ay socotay ay ka hadleen xubno matalaya ururrada dhallinyarada iyo Haweenka ayaa waxaa gunaanadkii ka hadlay qaar Xildhibaannada Barlamaanka Federaalka Soomaaliya kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Khaalid Macoow, Xildhibaan Xaniifo Maxame Ibraahim Xaabsade, Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo Xildhibaan Cali Jaamac Jingali oo isagu munaasabadda soo xiray, kuwaasi oo bulshada Gobolka Mudug ugu baaqay inay xoojiyaan Nabadgelyada Gobolka, ayna ka hortagaan cidkasta oo dooneysa inay carqaladeyso horumarka iyo amniga ka jirta magaalada Gaalkacyo.

Previous Post

DAAWO SAWIRRADA: Madaxweyne Farmaajo oo kumannaan shacab ah kala qayb galay xuska 1da Luuliyo

Next Post

Munaasabad lagu Xusayay 1-da Luulyo oo lagu qabtay Magaalada Kampala “DAAWO SAWIRO”

Next Post
Munaasabad lagu Xusayay 1-da Luulyo oo lagu qabtay Magaalada Kampala “DAAWO SAWIRO”

Munaasabad lagu Xusayay 1-da Luulyo oo lagu qabtay Magaalada Kampala “DAAWO SAWIRO”

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

April 9, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, Mudane Mohamed Osman Mohamed, ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga (Letters...

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

April 9, 2026
0

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qeyb galay...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

April 9, 2026
0

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista shidaalka Soomaaliya ee Çağrı Bey, kaas oo hore uga soo shiraacday...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, mudane Daud Aweis , iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cabdihakim...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In