Saturday, June 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Qaar Kamid Ah Haweenka Magaalada Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 1, 2019
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Qaar Kamid Ah Haweenka Magaalada Dhuusamareeb “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug kulan kula yeeshay qaar kamid ah haweenka ku nool magaalada.

Kulanka uu Ra’iisul Wasaaruhu la yeeshay Haweenka Dhuusamareeb ayaa looga hadlay diyaar garowga gogosha dib-u-heshiisiinta Galmudug ee la dhigay caasimadda Galmudug iyo in haweenku ay si buuxda uga qayb qaataan dhismaha dowlad gobaleedka Galmudug, ayna soo dhaweeyaan martida magaalada imaanaysa, lana shaqeeyaan laamaha amniga dowladda federaalka.

Related posts

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

June 5, 2025

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo haweenka uu kulanla la yeeshay uga mahadceliyay firkadaha wanaagsan ee ka qayb qaadayana dhismaha iyo dhamaystirka hey’adaha dowlad gobaleedka Galmudug ayaa haweenka Soomaaliyeed ku ammaanay dowrkooda badbaadinta jiritaanka qarannimada, dib-u-heshiisiinta, is-dhexgalka iyo abaabulka bulshada, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay laba jibbaaraan dadaallada horumarinta bulshada.

Kulanka uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaatay haweenka oo ay goob joog ka ahaayeen madaxa fulinta Galmudug iyo xildhibaanno ayaa qayb ka ah kulamo uu bulshada qaybaheeda kala duwan kula yeelanayay deegaannada Galmudug oo mudda toddobaad ah uu ku joogay safar uu qorshihiisu ahaa dardar-gelinta qorshaha dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay.

Previous Post

Diyaaaradda Qatar Airways oo si rasmi ah u bilowday duulimaadyo toos ah Muqdisho iyo Doxa

Next Post

Wasiirka Dastuurka Oo Kulan La Yeeshay Wakiilka QM Ee Soomaaliya James Swan “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Dastuurka Oo Kulan La Yeeshay Wakiilka QM Ee Soomaaliya James Swan “SAWIRRO”

Wasiirka Dastuurka Oo Kulan La Yeeshay Wakiilka QM Ee Soomaaliya James Swan "SAWIRRO"

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

June 5, 2025
0

Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud “Daqare”,ayaa lagu soo eedeeyay kamid ahaanshiyaha Argagixisada iyo in uu dadka ku tashkiilin jiray inay ku biiraan...

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

June 5, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Cumar Maxamed, ayaa furay maalinta labaad ee Shirweynaha...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

June 5, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Cali Xaaji Aaden, ayaa ka qayb galay shir heerkiisu sarreeyo oo ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In