Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Dastuurka Oo Kulan La Yeeshay Wakiilka QM Ee Soomaaliya James Swan “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 1, 2019
in Wararka
0
Wasiirka Dastuurka Oo Kulan La Yeeshay Wakiilka QM Ee Soomaaliya James Swan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta xafiiskisa ku qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Danjire James Swan oo uu dhowaan soo magacaabay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.

Wasiir Saalax ayaa ugau horrayn uga warbixiyay guulaha laga gaaray howlaha dib-u-eegista Dastuurka iyo sida ay dowladda uga go’antahay in ay dhamaystirto dib-u-eegista Dastuurka dhammaadka sanadkan.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Wasiirka ayaa sheegay in la dhihi karo Dastuurka waa uu dhamaaday balse waxa dhiman ay tahay in madaxda dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ay ka heshiiyaan arrimaha u baahan wada xaajoodyada siyaasadeed.

Sidoo kale, Wasiir Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in u jeeddada ugu wayn ay tahay in Soomaaliya noqoto dowlad hannaanka Federalka iyo Demoqraadiyaddu si sax ah uga dhaqan gasho, taasna ay ku xirantahay Dastuurka oo la dhamaystiro.

“Si Soomaaliya u noqoto dowlad Federal ah oo demoqraadiyaddu si fiican uga dhaqan gasho, waxaa lagama-maarmaan ah in la dhamaystiro dastuurka” ayuu yiri Wasiir Saalax Axmed Jaamac.

Dhanka kale, Wakiilka Xogyaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan ayaa ka mahadceliyay soo dhowaynta waxa uuna boqgaadiyay guulaha laga gaaray dib-u-eegista Dastuurka, sidoo kale waxa uu hoosta ka xarriiqay in Qaramada Midoobay ay sii wadayso taageeradeeda Soomaaliya gaar ahaan dib-u-eegista Dastuurka oo uu shegay in ay muhiim tahay in la helo dastuur lagu heshiiyay.

Sidoo kale, Wasiir Saalax Axmed Jaamac ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Agaasimaha UNDP- Soomaaliya Mr. Jocelyn Mason ee dhowaan la soo magacaabay, iyagoo kawada hadlay sida loo sii wadi lahaa wada shaqaynta UNDP iyo Wasaaradda Dastuurka. UNDP ayaa ka teegeerta Soomaaliya arrimo badan oo ay ka mid tahay dib-u-eegista Dastuurka.

 

 

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Qaar Kamid Ah Haweenka Magaalada Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dhallinyaro Kula Kulmay magaalada Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dhallinyaro Kula Kulmay magaalada Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dhallinyaro Kula Kulmay magaalada Dhuusamareeb "SAWIRRO"

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In