Friday, January 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Carruur Maleeshiyaadka Al Shabaab afduubteen oo laga soo furtay gobolka Sh/dhexe

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Horjooge Ajinebi ah oo lagu dilay Hiiraan.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda la magac baxday macaawisleyda ee ka howl gasha deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegtay in howlgal ay ka sameeyeen deegaan hoos yimaada tuulada Xaaji Cali ee degmada Cadale ay argagixisada Al Shabaab uga soo furteen 11 caruur ah oo silsilado iskula xiran kuwaasoo ay si qasab ah uga soo kaxeysteen waalidiintood.

Maxamuud Cali Afrax oo ka mid ah mas’uuliyiinta kooxda Macawisleey ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalkan ay fuliyeen kaddib markii ay ka warheleen xaaladda caruurtaasi.

Related posts

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026

“Waxaan kawar helnay inay jiraan caruur Maleeshiyaadka Al Shabaab afduubteen carruurtaas waxaa ay isku dayeen inay ka soo baxsadaan Al Shabaab balse markii ay kawar heleen ogaanka carruurta lugaha ayey silsilado uga xireen si-yasan u baxsan, dhankeena waan kawar helnay arrinkaas waana u gurmay waana soo furanay carruurtii balse hadda waxaan latacaaleynaa sidii silsilada carruurta looga furi lahaa labo labo ayey isugu xiraan” sidaas waxaa sheegay Maxamuud Cali Afrax oo kamid ah Macawiisleyda dagaalka kula jira Al Shabaab.

Arintan ayaa qeyb ka ah tacaddiyada iyo gaboodfallada ka dhanka ah bani’aaddanimada oo maleeshiyaadka Al Shabaab looga bartay in ay kula dhaqmaan dadka Somaaliyeed ee abriyada ah.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo casho lagu maamusayo 1-da Luulyo u sameeyay diblomaasiyiinta shisheeye

Next Post

Hadaljeedinta Madaxweyne Farmaajo ee casho sharafta diblomaasiyiinta ka hawlgala Muqdisho

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo casho lagu maamusayo 1-da Luulyo u sameeyay diblomaasiyiinta shisheeye

Hadaljeedinta Madaxweyne Farmaajo ee casho sharafta diblomaasiyiinta ka hawlgala Muqdisho

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo jimce khadka taleefanka...

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED   Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawlgal qorshaysan oo beegsi ah...

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

January 9, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Maraykanka, ayaa xalay fuliyay howlgal qorshaysan oo lala beegsaday...

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

January 9, 2026
0

The Ministers of Foreign Affairs of the Arab Republic of Egypt, the People's Democratic Republic of Algeria, the People's Republic...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In